[Sirculus:] Yaa Maleegay qaraxyaddii Hotelkii Kismaayo iyo Xarunta gobolka Banaadir ?

0
Thursday July 25, 2019 - 06:09:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6855
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    [Sirculus:] Yaa Maleegay qaraxyaddii Hotelkii Kismaayo iyo Xarunta gobolka Banaadir ?

    Weerarkii iyo qarax ii ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotel Cascaseey Kismaayo iyo qaraxa ismiidaaminta ee lala beegsaday Xarunta gobolka Banaadir ayaa labadaba la ogaaday iney si wadajira u maleegeen Saraakiil ka tirsan Amniyaat-ka Al-Shabaab, Dowlad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarkii iyo qarax ii ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotel Cascaseey Kismaayo iyo qaraxa ismiidaaminta ee lala beegsaday Xarunta gobolka Banaadir ayaa labadaba la ogaaday iney si wadajira u maleegeen Saraakiil ka tirsan Amniyaat-ka Al-Shabaab, Dowladda Farmaajo iyo Sirdoonka Qatar. sida ay Waagacusub u sheegeen Saraakiil sirdoon oo codsaday inaan magacooda la xusin iyo ila wareedyo muhiima.

Abdihakin Noor Ahmed oo ah qunsulka Somalia u fadhiya Qatar, cabana gabadh la dhalatay Taliye ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Somalia Mr Fahad Yasin ayaa la xaqiijiyay inuu Doha ka qaaday lacag dhan shan Milyan oo dollar ,taas oo boqoradda Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia lagu geeyay Nairobi.

Mr Fahad Yasin oo saaxiibo badan ku dhex leh Saraakiisha Hay’adda La dagaalanka argagixisadda Kenya ayaa isku xiray Saaxiibadiisa Kenya iyo Qunsul Abdihakin Noor , kadibna waxaa Saraakiisha Sirdoonka Kenya loo sheegay in lacagta shanta Milyan ah loo wado Musharax Jubbaland oo magaciisa lagu sheegay Aw Dahir  ,sida lagu ogaaday baaris mudo socotay.

"Saraakiisha la dagaalanka argagixisadda waxey kooxda Fahad siiyeen Nus Milyan dollar, lacagtii kale ee afar Milyan iyo barka aheydna waxaa gacanta loo geliyay ganacsato Somalia oo Kenya ku cool, lacagtaas laba Milyan waxaa la siyad  Musharax Aw Dahir, halka Laba milyan iyo barna Al-Shabaab la siiyay” ayuu yiraahdeen Saraakiil Sirdoon oo Reer Galbeed iyo kuwa geeska Afrika ah.

Fahad Yasin waxaa xiriirka Al-Shabaab ee qandaraaska ismiidaaminta, qaraxyadda siyaasadeed u qaabilsan Wasiiru dowle ka tirsan Xukumadda Kheyre, ahna Xildhibaan ka tirsan gollaha Shacabka oo magaciisa runtaa yahay Xasan Dhuux laakiin xilligii Maxaakiimta la baxay Cabdiraxman dheere.

Cabdiraxmaan dheere ama Xasan dhuux  oo ah Sarkaalka ugu muhiimsan ee Al-Shabaab ugu dhex jira Dowladda Somalia wuxuu si toosa ugu xiran yahay Madaxa Amniyaat-ka Al-Shabaab Mahad Karataay laakiin weerarkii Kismaayo waxaa dhinaca sahanka iyo fududeeynta hubkii ,qaraxyadii weerarka loo adeegsaday kala shaqeeyay Taliyahii hore ee Amniyaat-ka Al-Shabaab, Zakariye Xersi oo hadda ku magacaaban Hogaanka Sirdoonka NISA ee waaxda Al-Shabaab, Shaafici Naaleeye oo ah madaxa qaraxyadda iyo weeraradda Al-Shabaab iyo Saraakiil hoosaadyo.

Warar soo baxayna waxey tibaaxayaan in Cabdiraxman dheere ka shaqeeyay weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay Xarunta gobolka Banaadir .

Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilli rabay ergayga gaarka ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somalia Mr James Swarm.sida ila xog ogaala sheegayaan.

Sikastaba ha ahaatee, Weerarka ismiidaaminta uu ku dhaawacmay Gudoomiyahii gobolka Banaadir ayaa ku seddex maalmood ladin markii Wargeyska afka dheer ee New York times sii daayay cod cadeeynaya in Dowladda Qatar ku lug leed ahay qaraxyadda iyo dilalka Somalia ka soda.

New York times wuxuu soo bandhigay Nin Ganacsade Qatar ah iyo Safiirka Qatar ee Somalia oo ka wada hadlaya in qaraxyadda Puntland la wado ilaa Emirates ay ka baxayaan Puntland iyo sideey u maleegeen qaraxii boosaaso ruxay.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...