[Topnews:-] Xiriirka argagixisadda Somalia iyo Dowladda Farmaajo oo si toosa u soo shaacbaxay iyo Ahlusunah oo Warsaxaafadeed culus soo wado.

0
Saturday December 07, 2019 - 19:32:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3839
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 4 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Xiriirka argagixisadda Somalia iyo Dowladda Farmaajo oo si toosa u soo shaacbaxay iyo Ahlusunah oo Warsaxaafadeed culus soo wado.

    Waagacusub.com - Aas Aasahii argagixisadda Somalia Xasan Dahir Aweys ayaa markii ugu horeeysay wuxuu barta Facebook ka soo galay Live isagoo hogaamiyaha Mucaaradka Somalia Cabdiraxman Cabdishakuur ku sifeeyay inuu la mid yahay Salman Rushdi oo ah nin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Aas Aasahii argagixisadda Somalia Xasan Dahir Aweys ayaa markii ugu horeeysay wuxuu barta Facebook ka soo galay Live isagoo hogaamiyaha Mucaaradka Somalia Cabdiraxman Cabdishakuur ku sifeeyay inuu la mid yahay Salman Rushdi oo ah ninkii Aayadaha Quranka sida qaldan u bedelay. Xasan Dahir Aweys ayaa ku baaqay in la dilo meeshii lagu arko Cabdiraxman Cabdishakuur oo ah Somali British hogaamiya Xisbiga Wadajir.

Ciidanka Dowladda Farmaajo ayaa horey u weeraray Cabdiraxman Cabdishakuur waxeyna dileen kadibna kobaha ku duugeen Ciidankii ilaaladiisa iyagoo dhaawacay isagana laakiin markii Maxkamad la saaray waxaa lagu waayay wax dimbiyo haba yaraatee.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la yaab ku noqotay sida Dowladda Farmaajo ugu ogolaatay inuu telefoon Xabsiga dhexdiisa ku isticmaalo hogaamiyaha argagixisadda Somalia Xasan Dahir Aweys oo la wada sugaayay in cadaaladda la horgeeyo si loogu Maxkamadeeyo qaraxyadii iyo dilalkii uu kula kacay shacabka Soomaaliyeed sida qaraxii Hotel Shaamow ee lagu dhamaaday, qaraxii Hargaha iyo Saamaha.

Xasan Dahir Aweys oo sidoo kale ah Aas Aasahii Urur diimeedka Al-Itixaad wuxuu diiday inuu ka laabto aaminsanaanta argagixisanimo sida ka mid ahaanshahiisa Al-Shabaab laakiin Dowladii laga sugaayey iney la dagaalanto argagixisadda ayaa gacanta u gashay isla kooxdii xagjiriinta .

Inkastoo la hubo in hadalka Xasan Dahir Aweys yahay mid uu ka soo shaqeeyay Taliyaha NISA Fahad Yasin Haji Dahir oo xiriir toosa la leh Ururka argagixisadda Al-Shabaab iyo Xagjiriinta Al-Ictisaam Somalia , haddana saacado kadib markii Xasan Dahir Aweys ku baaqay in la dilo Cabdiraxman Cabdishakuur waxaa afka furtay Amiirka Al-Shabaab oo idaacadda ay maamulaan ee Andaluus ka jeediyay hanjabaad la mida tan Xasan Dahir.

Amiirka Al-Shabaab wuxuu ku baaqay in la dilo meeshii lagu arko Cabdiraxman Cabdishakuur taas oo ka dhigan dimbi weyn oo Maxkamad lagu geeyn karo Madaxda Dowladda Federalka maadama ay cadahay inuu hadalka Amiirka Al-Shabaab ka shaqeeyay Taliyaha Sirdoonka Farmaajo , Mr Fahad Yasin.

Kooxaha taageera argagixisadda ee Wahaabiyadda xagjiriinta Al-Ictisaam sida Bashiir Sheekh Ahmed Salaad, Mohamed Umal, Sheekh Dahir, Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Baaruud Gurxan iyo boqolaal ka tirsan Urur diimeedka Al- Ictisaam ayaa Cabdiraxman Cabdishakuur ku tilmaamay inuu Diinta Islaamka ka baxay oo gaalloobay.

Kooxahaan argagixisadda Xagjirka ee Dowladda Farmaajo taabacsan ayaa Cabdiraxman Cabdishakuur ku eedeeyay inuu u dooday xaquuqda haweenka Soomaaliyeed kadib markii uu khudbadiisii Germany ku sheegay ineysan haweenku aheyn Nusqaan ka caqli yar ragga .

Cabdiraxmaan wuxuu khudbadiisa ku dhiirigeliyay haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu hiiliyay iney hogaamin karaan dalka ama ugu yaraan noqon karaan hogaan Qaran.

Dagaalka isbaheysiga Argagixisadda ee Al-Shabaab iyo Al-Ictisaam  isku baheeysteen ayaa la filayaa inuu weji cusub yeesho, waxaana warar hoose sheegayaan in Culumadda Ahlusunah si toosa u soo gelayaan dagaalka oo soo saari doonaan Warsaxaafadeed ay ku cambaareeyn doonaan weerarka Sheekhyadda Xagjiriinta Wahaabiyadda ku qaadeen Cabdiraxman Cabdishakuur.

Xaqiiqadu waxey tahay in Haweenka Soomaaliyeed ka caqli iyo karti badan yihiin kuwa hogaamiya Dowladda Somalia sababtoo ah haweenku waa ka musuqmaasuq yar yihiin ragga sidoo kalena waxey ku sifoobeen waxqabad iyo daacadnimo.

Sikastaba ha ahaatee, Waa markii ugu horeeysay ee qof kasta oo Somalia xaqiiqsaday iney wada shaqeeyn toosa leeyihiin argagixisadda Al-Shabaab, Sheekhyadda Xagjirka Al-Ictisaam iyo Dowladda Farmaajo.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...