[Topnews:-] Isbarbar dhiga dimbiga Sanbaloolshe iyo kuwii Madaxweynahii Pakistan ee qirashadda buugiisa iyo dhiibistii Qalbidhagax

0
Wednesday January 22, 2020 - 03:21:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2321
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 2
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Isbarbar dhiga dimbiga Sanbaloolshe iyo kuwii Madaxweynahii Pakistan ee qirashadda buugiisa iyo dhiibistii Qalbidhagax

    Taliyahii hore ee Sirdoonka NISA ayaa markii ugu horeysay kashifay sir badan laakiin wuxuu wareeysigiisa ku qirtay inuu dimbiile yahay taas oo ka dhigan mid lagu Maxkamadeyn karo ? Akhri faaladaan isbarbardhiga Sanbaloolshe iyo Madaxweynahii hore ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyahii hore ee Sirdoonka NISA ayaa markii ugu horeysay kashifay sir badan laakiin wuxuu wareeysigiisa ku qirtay inuu dimbiile yahay taas oo ka dhigan mid lagu Maxkamadeyn karo ? Akhri faaladaan isbarbardhiga Sanbaloolshe iyo Madaxweynahii hore ee Pakistan?

''Furaha Jannada''

Haddii aad si dhow u dhageysato wareysiga Cabdullaahi Sanbaloolshe, waxaa durba kuusoo baxaya sida dowladnimada, ilaalinta sharciga iyo dhowridda sharafta muwaadinka Soomaaliga ah, aysan wax qiimo ah ugu fadhin Madaxdeena.

Judhiiba ani, waxaa igu soo dhacay Pervez Musharraf, iyo waayihiisii uu dalka Pakistan Madaxweynaha ka ahaa.

Musharraf, buug xasuus reeb ah uu qoray ayuu ku qiranayaa dad uu qabtey, xiray, dilay iyo kuwa uu u dhiibey dowladdo kale oo Mareykan kamid tahay.

Dadka ayaa iskugu jiray eedaysanayaan aan qeybtood dambi galin ama waxa lagu tuhmayo shaqo ku lahayn. Tirada oo aad u badneyd iyo qaabka uu dadkaas Mareykan ugu wareejiyey ayaa su’aal badan dhaliyey, aakhir se waa uu eeday Pervez Musharraf.

Qaabka uu dadkaas u dhiibay, waxa uu ku badashay iyo sida uu ugu faanayo midna Musharraf, qarsan maayo. Buuga jaldigiisa dambe ayuuba ku suuq geysanayaa si looga gato.

Madaxweyne Musharraf, waxa uu leeyahay, ‘‘waxaa qabaney 672 qof, 369 kamid ah waxaan u dhiibnay United States… Waxaan ku badelanay kabdado lacag malaayiin ah’’.

Waa faan iyo tookh, heerkii ugu sareeyey. Wakhti badan ma aysan qaadan in dadkii reer Pakistan, kacaan oo si sharaf leh isku dhaafiyaan Musharraf iyo dhiig miiratadii la shaqeysan jirtay.

Madaxweyne Musharaf, ugu dambeyn waa loo ‘‘maxkamadeeyey’’ ku tumashadii dastuurka, dilkii iyo dadkii uu dhiibey. Asaga oo waayeel haraba, aadna u xanuunsan ayeysan reer Pakistan, wax naxariis ah u muujin oo lagu xukumay dil toogasho ah.

Wareysiga Sanbaloolshe, dhowr jeer ayuu waxa uu adeegsanayaa erayga ‘‘furaha jannada’’ ma hayn ee shaqadeyndu waxay ahayd soo qabasho, caddaab, ciqaab, dhoofin iyo dhiibid dad. Waa sheeko si dhab ah ugu eg tan Musharraf.

Sida Musharraf, ayuu markale Sanbaloolshe leeyahay, si wanaagsan ayaan u maareeyey howlgalkii qabasho ee Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), amar la isiiyey ayaana ku shaqeynayey.

Waxa uu si dhab ah u caddeynayaa cidda amarka siisay inuu yahay Madaxweyne Farmaajo.

Maareynta wanaagsan ee Sanbaloolshe, ka hadlayo waa in Madaxweynaheena, Ra’iisul Wasaaraheena, Golaheena Wasiirada iyo Hay’adaheena Amni dhamaantood isku raaceen in Qalbi Dhagax iyo ONLF, argagixiso yihiin.

Dadka Soomaaliyeed, sida ay reer Pakistan, heeryadii foosha xumeyd ee Musharraf, iskaga rideen, ma iskaga rogi doonaan reeryada Madaxweyne Farmaajo, Khayre iyo Golihii Wasiirada ee fadhiyey kulamadii lagu go’aaminayey qoorgoyntii sharciga iyo dhiibistii Qalbi Dhagax.

Waa su’aal wakhtigu ka jawaabi doono. Rajo weyn baan se qabaa.

Waxaa qoray Mahad Geelle


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...