TOPNEWS:- Mareykanka iyo Qaramadda Midoobay ayaa Farmaajo si kulul ula hadlay - "Ciidanka uu geeyay Gedo waa inuu degdeg uga saaraa"

0
Tuesday February 25, 2020 - 14:57:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    TOPNEWS:- Mareykanka iyo Qaramadda Midoobay ayaa Farmaajo si kulul ula hadlay - "Ciidanka uu geeyay Gedo waa inuu degdeg uga saaraa"

    Golaha ammaanka ee Qarama Midoobay ayaa shalay kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, halkaas oo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka ay ka jeediyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha ammaanka ee Qarama Midoobay ayaa shalay kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, halkaas oo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, iyo isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka ay ka jeediyeen khudbado ay kaga warramayaan xaaladda siyaasadeed, tan dhaqaale iyo tan amni ee dalka.

Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay ku daabushay magaalooyin katirsan gobolkaasi.

Rodney Hunter ayaa sheegay in sanadkan 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaam ay dooneyso inay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka Qaranka iyo sidii ciidmaada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen sugidda amniga dalkooda. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland iyo ciidanka ay xukuumadda Soomaaliya muddooyinkii dambe ku daabuleysay qeybo kamid ah Gedo.

"Ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay gobolka, looguna dagaal geliyay gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga", ayuu yiri Rodney Hunter oo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaa kale oo uu sheegay in mas'uuliyadda ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay tahay la dagaalanka Al Shabaab, halkii uu isku dhac hubeysan dhexmari lahaa dhexdooda, si loo xalliyo khilaafka siyaasadeed.

"Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka Dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo, isaga iyo madaxweynaha Jubaland Madoobe ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo Mr Hunter uu sheegay in horumar walba oo laga gaaro dhinacyada amniga, siyaasadda, deyn cafinta ay udub dhexaad u tahay iskaashi ay yeeshaan Dowladda Federaalkaiyo maamul goboleedyada.

Waxaa kale oo uu sheegay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada oo muddooyinkii dambe sii xoogeystay, waxayna sheegeen in xallinta arrintaas ay kala hadleen Dowldda Soomalaiya iyo maamul goboleedyada.

Dhanka kale waxa uu boggaadiyay dedaallada uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu isugu soo dhaweynayo Dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada. Mr Hunter ayaa si gaar ah u carabaabay oo soo dhaweeyay kulankii dhawaan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ay geysay gobolka Gedo ay sugayaan ammaanka xuduudaha dalka.

SwanLahaanshaha sawirkaUNSOM
Image captionJames Swan, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha waxaa kahor hadlay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo diiradda saaray doorashooyinka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacaan sanadkan.

Swan ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ciidanka dowladda ee la geeyay Gedo uu abuuray xiisad horleh.

"Waxaa sanadkan Soomaaliya horyaala hawlo badan, waxaana taas lagu gaari karaa in la wada shaqeeyo oo keliya",ayuu yiri Swan.

Sanadkii lasoo dhaafay ayuu sheegay in shirkii saaxiibada Soomaaliya ay ku heshiiyeen waxyaabaha ahmiyadda u leh dalka sanadkan, kuwaas oo uu sheegay in qasab ay tahay in laga meel gaaro.

Waxyaabaha Soomaaliya ay tahay inay ka meel gaarto sanadkan ayuu sheegay inay kamid tahay deyn cafinta, doorasho qof iyo cod ah, dhameystirka dib u eegist dastuurka, sii xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...