[Topnews] Mareykanka oo duqeyn hor leh ku dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

0
Thursday September 07, 2017 - 19:26:24 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Mareykanka oo duqeyn hor leh ku dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

    Mareykanka oo duqeyn hor leh ku dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo duqeyn hor leh ku dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab Dowlada Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn hor leh oo ay ka geysteen deegaan hoostaga Gobolka Bay, xili halkaa ay dhaqdhaqaaq ka wadeen maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab.                                                           Weerarka oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ayaa waxaa lagu dilay 3 Xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaa oo ahaa qasdiga weerarka.

Qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, xili ay wadeen dhaqdhaqaaq.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in duqeyntaasi ay dhacday subaxnimadii talaadadii, lana beegsaday xubnahaasi Shabaab ka tirsan                                     Anthony Falvo, oo ka tirsan Saraakiisha Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa sheegay in goobta laga fuliyay duqeynta aysan ku sugneyn dad shacab ah.

Anthony Falvo, waxa uu sheegay in wali aysan heyn magacyada ragga ka tirsan Al-Shabaab ee ku dhintay duqeynta iyo darajadooda.

Sidoo kale, Anthony Falvo, ayaa waxa uu sheegay in Shabaabka la duqeeyay ay halis ku hayeen ciidamada Somaliya iyo kuwa Midowga Africa ee Gobolkaas ka hawlgalaya.

Dowlada Mareykanka ayaa laba jibaartay duqeymaha Somalia ee lala eeganaayo maleeshiyaadka Al-shabaab tan iyo wixii ka danbeeyay soo bixitaanka Trump.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...