[FAALLO:] Dowladda Federaalka Oo Ay Ku Soo Faruurmeen Mowjado Siyaasadeed

0
Thursday September 07, 2017 - 23:19:28 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2676
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [FAALLO:] Dowladda Federaalka Oo Ay Ku Soo Faruurmeen Mowjado Siyaasadeed

    FAALLO: Dowladda Federaalka Oo Ay Ku Soo Faruurmeen Mowjado Siyaasadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FAALLO: Dowladda Federaalka Oo Ay Ku Soo Faruurmeen Mowjado Siyaasadeed

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa waxay haatan wajahaysaa Mowjado Siyaasadeed, oo ay adag tahay sida ay isaga moosi karaan, marka loo eego Khilaafyaddii ay Madaxdii Dowladihii hore ku kala irdhoobeen.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay DFS majaha la gashay Taxane Mucaaradeed, kuwaasi oo isugu jiraan kuwo muuqda iyo qaar la hoosaasinayo.

Siyaasiyiinta ka madax bannaan Labada Gole ee Dowladda ayaa rumeysan inay jiraan Qaladaad DFS looga baahan yahay dib-u-eegis sixitaan leh iyo in si daah-furnaan leh loo garwaaqsado Qaladaadka saamaynta ku yeelan kara Danaha Qaranka.Waa hubaal in Madaxda curdinka ah ee DFS u baahan yihiin Laylis dhinaca Maamulka Dowladeed iyo Siyaasadda, si loo yareeyo falalka qaladaadka ee ay dhici karto inay ku degdegaan.

Marka la eego Guuxa Dadweynaha waxaa ku jira Saluug iyo Himilo-xumo ku aadan Tisqaadka DFS ee ay horey ugu soo dhaweeyeen Taageero 100% ahayd.

La-yaab ma leh inay dhegahaaga ku soo dhacaan Erayo ay dadweynaha ku naqdinayaan mabda’ a guud ee DFS, wuxuuna Dareenkooda ku soo hoorayaa inaysan DFS noqotay La-mood noqonse weyday.Xaalladda Heer-kulka Siyaasadda waxa laga dareemi karaa Siyaasiyiinta, gaar ahaan Xildhibaanadda sida kulul u naqdiya Wasiiradda Federalka oo ay u arkaan kuwa Layli-barad ku ah Hoggaaminta iyo Siyaasadda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay DFS ka badbaadi karto Mowjadaha Siyaasadeed, marka laga reebo Ajendayaasha Xasaasiga ee sida xooggan u gilgili kara Hoggaaminta Qaranka.

hadalkii Xukuumadda Federalka ee ay ku taageereen Go’aankii ay Dowladda Ethiopia ay ugu gacan geliyeen C/kariim Sheekh Muuse "Qalbi-dhagax” ayaa noqday mid ay ku kasbadeen Mucaaradnimo iyo Taageero.

Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Barlamaanka Federalka ayaa si mutuxan uga hor yimid Go’aankaasi, kuna tilmaamay mid lagu degdegay, khatarna ku ah Xuquuqda Muwaadinka iyo Danaha Qaranka.

Xildhibaanadaasi waxay si cad u sheegeen inay qorsheynayaan inay Mooshin Fal-celin ah ka keenaan Go’aankii Xukuumadda Federalka ee dhiibistii C/kariim Qalbi-dhagax oo isagu ahaa Sarkaalka ka tirsan Jabhadda Xoreynta ONLF.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Go’aankii Xukuumadda ku ayideen in Ethiopia loo gacan geliyo Sarkaalkaasi ku jiraan dhowr qoddob oo ay tilmaameen in loo baahnaa in si fiican loo faaf-reebo.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...