[Topnews:-] Xukuumadda Khayre oo Baddii Somalia iibsatay+Akhriso Cadaymo.

0
Friday September 08, 2017 - 08:35:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6427
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Xukuumadda Khayre oo Baddii Somalia iibsatay+Akhriso Cadaymo.

    Waagacusub.com - Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa markii ugu horaysay soo bandhigtay Badka Badda Somalia oo ka yar intii Sharci ahaan ay Somalia lahayd. iyadoona si cad uga tanaasushay Bad Baaxad wayn oo ay lahayd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa markii ugu horaysay soo bandhigtay Badka Badda Somalia oo ka yar intii Sharci ahaan ay Somalia lahayd. iyadoona si cad uga tanaasushay Bad Baaxad wayn oo ay lahayd.


Khariidad muujinaysa Badda Somalia

Sida ku cad Buug Yaraha Waxqabadka 100-ka Maalmood ee ay dhawaan soo saartay Xukuumadda Somalia waxaa lagu sheegay Dhul Badeedka Somalia 3 Kun oo KM, taasoo ah Cabir aan Xukuumaddan ka hor la maqlin.

"Badda ku xeeran dhulka Soomaalida, oo dhererkeeda lagu qiyaaso 3333km – bilicda iyo quruxda ka sokow- waxay ka mid tahay badaha ay ku jiraan khayraadka ugu badan adduunka ee aan weli la daah-furin ama laga faa’iidaysan.”

Somalia oo leh Baaxadda Badaasi ayeey Xukuumadda Somalia ku cadaysay Buug yaraheeda inaysan lahayn 333 KM oo ka mida Cabirka Badda Somalia, balse lama ogga inay ka tahay ka warqabid la’aan Xadka Badda Somalia iyo inay jirto Heshiis qarsan oo ay qaybtaas Badda Somalia kaga tanaasushay

Muran la xiriira Xuduud Badeedka ayaa u dhaxeeyay Somalia iyo Kenya, Waxaana Murankaasi uu gaaray in la isla tago Maxkamadda Caalamiga ah ee The Hague, balse Buug yarahan ka soo baxay Xukuumadda Somalia ayaa dhabar jab ku noqon kara Dacwaddii Badda ee Somalia kala dhaxaysay Kenya.

Madaxwaynayaasha Kenya iyo Somalia ayaa Sannadkan kala saxiixday Heshiis aan faah faahin badan laga hayn, iyadoona Saxiixa kadib uu Madaxwaynaha Kenya ku qoray Bartiisa Twitter-ka in Somalia waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay ka mid ahayd in la wadaago Khayraadka Dabiiciga, hase yeeshee ma jirto cid faah faahin ka bixisay Nooca Khayraadka la wadaagayo iyo sida loo wadaagayo.

Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka ee UNCLOS waxay Soomaaliya saxiixday 10kii December 1982-dii. Soomaaliya waxay xeerkaas dhaqan gelisay 24kii July 1989. Waxaana, sida aan hoos ku arki doono, uu Xeerka Badaha Adduunku si rasmi ah Qarammada Midoobey uga dhaqan galay 16kiiNovember 1994.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...