[Topnews] Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo wada olole ka dhan ah Xukuumadda

0
Friday September 08, 2017 - 14:07:30 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo wada olole ka dhan ah Xukuumadda

    Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo wada olole ka dhan ah Xukuumadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo wada olole ka dhan ah Xukuumadda

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa wada is xulufeysi iyo olole ka dhan ah Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo wajaheysa caqabado ka dhashay dhacdadii Sarkaalkii ONLF ee lagu wareejiyay dowladda Itoobiya.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay Xildhibaanada ayaa waday kulamo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Xukuumadda, iyadoo la filayo in maalinta berri marka uu furmo kulanka Baarlamaanka si rasmi ah u bilowdo ololaha ka dhanka ah Xukuumadda.

Ajandaha kulanka berri ayaa waxaa looga hadli doonaa go’aankii Xukuumadda ka qaadataya arrinta C/kariin Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyay dowladda Itoobiya, lama oga saameynta ay arrintan kala kulmi karto Baarlamaanka.

Xildhibaano dhowr ah ayaa ku tilmaamay go’aanka Xukuumadda inuu ahaa mid aan sharci aheyn, isla markaana ku xadgudubtay dastuurka, halka Xildhibaano kalena ay taageeraan.

Xildhibaanada ayaa ah kuwo ku kala aragti duwan go’aanka Xukuumadda, waxaana badanaa dhacda in Baarlamaanka lagu kala qeybsamo oo Xildhibaanada ay labo dhinac kala noqdaan.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa marka uu furo ajandaha kulanka waxaa la filayaa in dood laga yeesho go’aanka Xukuumadda, waxaana laga yaabaa inay ka dhalato in Xukuumadda laga keeno mooshin looga soo horjeedo go’aankaas.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...