[Topnews:-] Ra'isulwasaaraha Farmaajo oo Xildhibaanadda Absame u sheegay iney bixinayaan diyadda Qalbi dhagax.

0
Saturday September 09, 2017 - 21:03:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 12494
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Ra'isulwasaaraha Farmaajo oo Xildhibaanadda Absame u sheegay iney bixinayaan diyadda Qalbi dhagax.

    Waagacusub.com - Galabta Ra'isulwasaare kheyre wuxuu la kulmay Xildhibaanada Absame Daarood asagoo qorshaheeyay inuu Xildhibaannadda Soomaaliyeed ee beelaha kale niyadda ka jabiyo, wuxuuna kulankaas oo dhacay 0400pm galabnimo ee maantay la hor y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Galabta Ra'isulwasaare kheyre wuxuu la kulmay Xildhibaanada Absame Daarood asagoo qorshaheeyay inuu Xildhibaannadda Soomaaliyeed ee beelaha kale niyadda ka jabiyo, wuxuuna kulankaas oo dhacay 0400pm galabnimo ee maantay la hor yimid Xildhibaanadda in Xukumadiisu diyaar ka tahay diyadii Qalbi Dhagax iney bixiso, qalad dhaceyna uu ahaa isla markaana uu xaal siinayo Xildhibaanadda Absame.

Xildhibaanadda Absame ayaa ugu Jaawabay:

1. Qaddiyadaani waa qaddiyad Soomaaliyeed wax u gaar ah  Xildhibaanaadda Absame maahan , waa arrin u taalla barlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed 

2. Markaad sida dhuumaalaysiga Muwaadin Soomaaliyeed u dhiibayseen ka hor ayey idiin ekeyd inaad dadka arrintani khuseyso kala tashataan maanta oo muwaadinkaas la isugu daray dhiibis iyo eedeyn aan jirin, sidaas darteed wax wadahadal ah oo aan idinla gali karno ma jiraan .


Loading...

3. Haddii aad naawileeysid inaan wada hadalno wuxuu hadal suurtagal yahay Markaad soo celisaan Qalbi Dhagax, kadibna go'aankii xumaa ee Golahaaddu Wasiiraddu soo saareena aad ka laabataan isla markaana aad Soomaali u cudurdaarataan ayaan wada hadal idinla furi karnaa, oo aad hor fariisan doontaan Xildhibaanadda Soomaaliyeed.


4. Ugu danbeyn waxay yiraahdeen Xildhibaanada labada aqal waa yaqaaniin "danbiga ugu Weyn nimanka Soomaali ka galayā€¯ , waxaana miiska hadda noo saaran in danbigaas ciddii gashay tallaabao sharci ah laga qaado.


Kulanka Kheyre iyo Xildhibaanadda Absame markii uu fashil ku dhamaaday kadib caawa waxaa Xildhibaanadda mar kale u yeeray Mohamed Abdullahi Farmaajo oo ay qaarkood saacadaan shir kula jiraan.

14-ka Xildhibaan ee Absame lix ka mida ayaa diiday iney Farmaajo hor fariistaan.

Sikastaba ha ahaatee Kheyre iyo Farmaajo wuxuu qorshahoodu yahay iney qadiyad Somaliweyn u bedelaan qadiyad Absame ama Ogaadeen taas oo lagu fahmay.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...