Dabeylo xooggan oo la rumaysan yahay inay hordhac u yihiin duufaan ayaa billaabay inay ku dhuftaan jasiirado koonfurta ka xigta gobolka Florida ee dalka Maraykanka.
Duufaanta Irma ayaa la filayaa inay gobolkaasi ku dhufato gelinka dambe ee maanta, ayadoo burbur baahsan ku reebtay jasiiradaha Caribbean-ka.
Dhanka kale jasiiradaha St Martin iyo St Barthelemy ee ka tirsan Caribbean-ka islamarkana ku yaalla Faransiiska ayaa looga digay duufaan horleh oo lagu magacaabo Jose.
Heerka biyaha ayaa sare u kacay xeebta gobolka Florida xilli ay duufaanta ku soo fool leedahay.
Dalka Cuba ayaa imika waxaa soo dhaafay duufaanta xoogeeda islamrkana waxa ay horey halkaasi uga gaystay Khasaaro.
Xukuumadda Cuba ayaa sheegtay in duufaanta ay korantada ka jartay qayba badan oo ka mid ah dalkaasi.
Ugu yaraan 24 ayaa ku dhimatay ka dib markii duufaanta Irma todobaadkan ay ku dhufatay dhowr jasiiradood oo ku yaalla Caribbean-ka.
War dag dag ah Duufaanta Irma oo ku soo fool leh gobolka Florida
War dag dag ah Duufaanta Irma oo ku soo fool leh gobolka Florida