[Faah Faahin:] qaraxii ka dhacay Beledweyne

0
Sunday September 10, 2017 - 14:56:23 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Faah Faahin:] qaraxii ka dhacay Beledweyne

    Faah Faahin: Qaraxii ismiidaamin ah oo ka dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah Faahin: Qaraxii ismiidaamin ah oo ka dhacay

Ugu yaraan 3 saddex qof ayaa ku geeriyooday, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta duhurkii ka dhacay afaafka hore ee xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo uu fuliyay qof xirnaa jaakadaha qarxa ayaa beegsaday maqaaxi lagu shaaho oo ku dhow xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan oo ay fadhiyeen dad kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in ninka is qarxiyay uu dhowr jeer ku noq noqday goobta, markii dambena isku qarxiyay meel geedka hoostiisa ah oo maqaayada horteeda ah, halkaasoo dad ay fadhiyeen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim baadiyo ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen labo ruux oo shacab ah, iyo qofkii is qarxiyay.

Isbitaalka magaalada Beledweyn ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada illaa 15 ruux, kuwaasoo qaarkood dhaawacyadooda ay culus yihiin.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Saddex Wariye oo u shaqeynayay Telefishinada kala ah Jubbaland, Saab iyo RTN, waxaana wariyaha u shaqeeyay Telefishinka Jubbaland TV uu dhaawiciisa yahay mid culus.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay afaafka hore ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana ay ku tilmaamtay inay ku bartilmaameedsaday saraakiil ka tirsan Sirdoonka Maamulka gobolka.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii maqaaxi ku taal bartamaha magaalada Baydhabo uu ruux xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay, waxaa ku dhintay afar qof, halka 7 kalena ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa u arka daadinta dhiiga umada Somaliyeed mid cibado ah 

Ali Aadan Hashi 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...