Xog cusub: Sidee loo shirqoola ciidamadii lagu laayay Saldhiga degmada Baledxaawo

0
Tuesday September 12, 2017 - 20:29:51 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog cusub: Sidee loo shirqoola ciidamadii lagu laayay Saldhiga degmada Baledxaawo

    Xog cusub: Sidee loo shirqoola ciidamadii lagu laayay Saldhiga degmada Baledxaawo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog cusub: Sidee loo shirqoola ciidamadii lagu laayay Saldhiga degmada Baledxaawo

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerarkii cuslaa ee lagu qaaday Saldhiga degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Weerarka oo ahaa mid ay qaaday Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa shirqool loo dhigay ciidamadii ku sugnaa Saldhiga weyn Baledxaawo ee weerarka lagu laayay.

Waxyar ka hor inta uusan weerarka dhicin ayaa la sheegay in ciidamada lagu amray in dhammaantooda ay damiyaan teleefanada gacanka oo ay heysteen.

Warar soo baxayo ayaa sheegaya in amarka lagu damiyay teleefoonada uu bixiyay Taliyaha Ciidamada degmada Baledxaawo oo lagu magacaabo Rashiid kaa oo habeenkii ciidamada ku amray in dhammaan laga damiyo Taleefanada.

Ciidamada ayaa la sheegay in dhammaantooda Taleefanada laga damiyay, waxaana taasi ay shaki ku abuurtay Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland oo iyagu wada baaritaan.

Weerarka ayaa waxaa la tilmaamay in lagu laayay ciidamo aad u farabadnaa kuwaa oo tirro ahaan la xaqiijiyay inay yihiin 31 Askari.

Ciidamada ugu badan ayaa ku dhintay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Saldhigga Ciidamada maamulka Jubbaland kuwaa oo xiliga uu Qaraxa dhacaayay ku sugnaa afafka hore ee Saldhiga.

Geesta kale, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadaasi la shirqooley , islamarkaana la doonaayo in baaritaan qoto dheer lagu sameeyay Weerarkii Baledxaawo.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...