[Xog Muhiim ah:-] Farmaajo oo Sacuudiga ku wajahan kana laabtay moowqifkiisii uu Qatar kula saftay

0
Thursday September 21, 2017 - 09:37:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7545
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 0
  • Share via Social Media

    [Xog Muhiim ah:-] Farmaajo oo Sacuudiga ku wajahan kana laabtay moowqifkiisii uu Qatar kula saftay

    Waagacusub.com - Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda u socdaalo dalka Sucuudiga oo aysan xiriirkoodu wanaagsanayn tan iyo intii ay soo baxdey khilaafkii ka dhex-dhacay xulafada Sucuudiga iyo dalka Qatar, oo ay Soomaaliya qaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda u socdaalo dalka Sucuudiga oo aysan xiriirkoodu wanaagsanayn tan iyo intii ay soo baxdey khilaafkii ka dhex-dhacay xulafada Sucuudiga iyo dalka Qatar, oo ay Soomaaliya qaadatay go'aan lagu tilmaamay inuu ahaa dhexdhexaad balse xulafada Sucuudigu ay u fasiratay in loogu hiiliyey dalka Qatar oo ay saaxiib dhow ahaayeen saaxiibka Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Kheyre oo ah Agaasimaha Villa Somalia Mudane Fahad Yaasiin oo sida la og yahay Qatar u shaqeynaayay tan 2005-tii.

Dawladda Sucuudiga ayaa codsiga booqashada Farmaajo inta uusan tagin Sucuudiga ka hor ku xirtay shardi adag oo ah inuu ka noqdo mawqifkii dhexdhexaadnimada ahaa ee uu qaatay,, isla markaana uu ku dhawaaqo in Soomaaliya ay la safan tahay xulufada Sucuudiga, asagoo qaadayo tallaabooyinkaan ay ka mid yihiin, eryidda safiirka Qatar ee Soomaaliya, ku tilmaamidda dalka Qatar inuu taageero argagixisada sida Alshabaab iyo in hawada Soomaaliya laga mamnuuco isticmaalka diyaaradaha dalka Qatar.

Madaxweyne Farmaajo oo jahwareer xooggan iyo sumcado darro weyn ay soo waajahday bishii u danbeysay gaar ahaan falkii lama filaanka ahaa ee uu dalka Itoobiya ugu dhiibay si qasab & afduub ah halgamaa Cabdikarim Sh. Muuse Qalbi dhagax iyo maamul goboleedyadii dalka intoodii badneyd oo ka horyimid go’aankii xukuumadda Farmaajo ee dhexdhexaadka ahaa ayagoo caddeeyey mawqifkooda ah in ay la safan yihiin xulufada Sucuudiga iyo Imaaraatka. 


Loading...

Hadaba farmaajo iyo kooxdiisa Villa Soomaaliya, waxey maalmihii la soo dhaafay ku jireen shirar u gaar ah, wuxuuna Farmaajo ugu danbeyn go’aansaday afar bilood ka dib, inuu ka noqdo go’aankii dawladda ee dhexdhexaadka ahaa, isla markaana uu soo saaro go’aan ay dawladda Soomaaliya kula safanayso xulufada Sucuudiga ayadoo la fulinayo shuruudaha Sucuudigu uu ku xiray oo dhan ka hor inta aanu tagin dalka Sucuudiga.


Arrintaan ayaa u ekaanaysa haddii ay sidaan u dhacdo dhabar-jab xun oo kale oo soo wajahay siyaasadda qar iska tuurka ee farmaajo iyo kooxdiisa, ayadoo dhanka kale ay soo ifbaxeyso in kooxda Farmaajo ay hakisay si ku meelgaar ah dhammaan wada shaqeyntii iyo xiriiradii ay la lahaayeen dalka Qatar, taasoo ay ugu horeyso hakinta mashaariic 100 malyan dollar ay ku baxeysay oo ay aheyd in la saxiixo bishan bartamaheeda kuwaasoo ay maalgalinaysay dawladda Qatar.


Safiirka Imaaraatka ee Muqdisho ayaa ku guuleystay inuu ku qasbo Farmaajo inuu ka noqdo go’aanadii kol hore uu gaaray, asagoo maamul goboleedyada ka dhaadhacsiiyey in ay khilaafaan dawladooda, isla markaana soo saaraan qoraallo ay ku garab istaagayaan xulufadooda, ayadoo ay muuqato in Farmaajo uu u cabsaday kursigiisa ka dib markii uu mawqif ka qaadan waayey dhaqdhaqaaqa iyo habdhaqanka safiirka Imaaraatka Carabta.

Laba todobaad gudahiis ayaa la filayaa inuu Farmaajo shaqadda ka eryo Fahad Yaasiin sidoo kalena wuxuu ku hoowlan yahay olole uu doonayo in xilka looga qaado Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre, Gudoomiye Taabit iyo shaqsiyaad la saaxiiba.


Si kastaba ha ahaatee waxaa la saadaalinayaa in imaaraatka iyo xulufuadiisu aysan intaas uga hari doonin Farmaajo iyo kooxdiisa balse ay jiraan shuruudo kale oo adag oo ay hordhigi doonaan marka ay ku guuleystaan in Farmaajo uu fuliyey qeybtan hore ee shuruudaha loogu magac daray albaab furista.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...