[Galmudug] oo beenisay in Gaadiidkeeda Booliska loo adeegsaday dagaal sokeeye
Galmudug oo beenisay in Gaadiidkeeda Booliska loo adeegsaday dagaal sokeeye
Maxamuud Cilmi Gulaase; ku simaha Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa beeniyay eed uga timid Odayaasha Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Maamulka Puntland.
Odayaal ka tirsan Puntland ayaa ku eedeeyay Maamulka Galmudug in Gawaarida Booliska Galmudug loo adeegsaday weerar lagu laayay dad rayid ah oo Habeen hore ka dhacay duleedka Gaalkacyo
Taliye Gulaase ayaa beeniyay in Gawaarida Booliska Maamulka Galmudug aan loo adeegsan weerar ay qaadeen Malleeshiyo beeleed,waxaana uu meesha ka saaray jiritaanka hadalka Odayaasha Waqooyiga Gaalkacyo.
Odayaasha ayaa sheegay in dulqaadka uu ka dhamaanayo iyaga oo baaq u diray dadka degaannada Puntland oo ay ugu baaqeen in ay qaadaan tallaabo la mid ah midda Maamulka Galmudug ay qaadeen.
[Galmudug] oo beenisay in Gaadiidkeeda Booliska loo adeegsaday dagaal sokeeye
Galmudug oo beenisay in Gaadiidkeeda Booliska loo adeegsaday dagaal sokeeye