[War naxdin leh:] 230 qofood ayaa dhintay 350 kalena waa dhaawac sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano booqday Isbitaaladda

0
Sunday October 15, 2017 - 13:13:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4053
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [War naxdin leh:] 230 qofood ayaa dhintay 350 kalena waa dhaawac sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano booqday Isbitaaladda

    Xildhibaano uu ka mid yahay Mahad Salaad ayaa booqday isbitaaladda Digfeer iyo Madiino ,wuxuuna sheegay Xildhibaanka iney soo xaqiijiyeen dhimashadda 230 qofood iyo dhaawaca 278 kale, iyadoo isbitaaladda kalena ay yaaliin meeydad iyo dhaawacyo. Xild

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano uu ka mid yahay Mahad Salaad ayaa booqday isbitaaladda Digfeer iyo Madiino ,wuxuuna sheegay Xildhibaanka iney soo xaqiijiyeen dhimashadda 230 qofood iyo dhaawaca 278 kale, iyadoo isbitaaladda kalena ay yaaliin meeydad iyo dhaawacyo. Xildhibaanka ayaa qoray Warbixin uu Musiibo Qaran ugu magacdaray ?

MUSIIBO QARAN!

Saakay waxaan tagnay hospitaalada Madiina iyo Digfeer, aniga  iyo Xildhibaano katirsan labada Gole ee Barlamaanka.


Loading...

Meydadka la geeyay labadaas hospitaal waa 230 qofood waxaana ilaa hada yaala oo meydadkooda la garan waayay 130 kamid ah oo dhamaantood inta wada gubteen muuqaalkoodii doorsoomay!


Dhaawaca ilaa shalay la geeyay labadaas hospitaal waxay ahaayeen 278 qofood. Waxaana ilaa hada yaala oo aan la bixin 136 qofood oo 30 kamid ah garaab yihiin!


Waxaa jira hospitaalo kale oo iyagana dhimasho iyo dhaawac la geeyay tiradoodana ilaa hada aan la ogayn!


Waxa shalay meeshaas ka dhacay ma ahayn wax qof bini aadam ah suurayn karo. Ilaahey ha u naxariisto intii dhimatay inta dhaawaca ahna ilaahey ha u booga dhayo. AAMIIN.


Hon. Mahad Salad

Dhinaca kalena waxaa Isbitaal Kalkaal ee Muqdisho laga helay dhaawacyadda dadkaan.

kalkaal #hospitaal 1: Cabdulqaadir Cabdi Jimcaale 2; Mahad Garaad Xaashi 3; Nuur Xuseen Cariif 4; Cabdulqaadir Cali Xasan 5; Faysal Siidiii Cabdiyoow 6; maxamed Cali Ahmed 7; Sugaal Maxamed Geelle 8; Cabdirisaaq bisha cas 9: Maxamed Cabdi Sheikh 10 : Xasan Xuseen Xiddig 11: Cabdirahmaan Mohamed Sabrina 12: Cabdiqaadir Sheikh Cabdullaahi 13; Yaasiin Maxamed Xasan 14; Maryan Maxamed Cali 15: Ifraax Muqtaar Xuseen

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...