[Sirculus:] Maxaa dhacay 24kii saac ee ugu danbeeyey? Farmaajo oo dhexda ka fadhiya fashilkii ugu waynaa

0
Saturday October 21, 2017 - 18:15:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 14494
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [Sirculus:] Maxaa dhacay 24kii saac ee ugu danbeeyey? Farmaajo oo dhexda ka fadhiya fashilkii ugu waynaa

    Waagacusub.com- Dharbaaxooyin waawayn ayaa ku dhacay Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Dharbaaxooyin waawayn ayaa ku dhacay Dawlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

1- Madaxweynaha ayaa ka baaqday kulankii uu labadda Gole kula hadli lahaa. Kulanka ayaa baaqday kadib markii labada gudoomiye ee Labada Gole Mudane Jawaari iyo Mudane Cabdi Xaashi ay ku wargeliyeen Madaxweyne Farmaajo in aysan suuragal ahayn qabashada Kulanka Labada Aqal. 

Labada Gudoomiye ayaa arrinkaas ku sababeeyey in Odayaasha Beesha Hawiye ay cabasho ka keeneen in Kulanka lagu beego 21 Oktoobar oo ah maalin xasaasiyad xambaarsan. 

Dhinaca kale Gudiyadda Joogtada ah ee labada Gole ayaa u gudbiyey gudoonka iney jiraan Xildhibaano ka caraysan fashilka iyo karti xumidda Farmaajo,kuwaas oo qorsheeyay iney isku abaabuleen In ay ku ooriyaan, kuna mudaaharadaan Farmaajo. 

2- War murtiyeed kulul oo ay soo saareen Madaxda Dawlada Goboleedyada oo ku aadan fashalka Amniga ah ee sababay qarixii Zobe iyo isla xisaabtan la’aanta arrinkaas ku aadan. Waxay dawlada ku eedeeyeen In aysan daacad ka ahayn la dagalaanka Alshabaab, taas bedelkeedana ay lu mashquulsan yihiin duminta Dawlad Goboleedyada iyadoo la adeegsanayo hantida Dawlada. Falkaas ayey ku sheegeen in uu horseedi doonto qalqal Siyaasadeed oo keeeni kara bur bur ku yimaada Dawlada Soomaaliya. Waxay ku baaqeen shir Qaran oo Aayaha Dalka looga tashado. 

3- Waxaa baaqday shirkii heerka fulin ee ay madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Xukuumada isugu imaan lahaayeen. Qaramada Midoobay oo iyadu lahayd qabanqaabada shirka ayaa baajisay shirka kadib markii ay qaadaceen Goboladda. Arrinkan ayaa welwel iyo walaac ku dhaliyey UN ka, AU, EU, US iyo UK. Waxaa la isku raacay in digniin kama danbays ah Farmaajo siiyaan madaxda sare oo ururadaas ka Socda.

 4- Xoghayaha Qaramada Midoobey Antonio guterres iyo Haweenayda Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Amniga Federica Mogherini ayaa khadka taleefanka kula hadlay Farmaajo iyagoo siiyey digniintii ugu danbaysay. Labada masuul ayaa Farmaajo ku wargeliyey iney masuuliyad ka saaran tahay in uu Dalka isku hayo xoogana saaro wadajirka Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada iyo la dagalaanka Alshabaab, kana waantoobo Siyaasada keeni karta xasilooni darida iyo qalqalka siyaasadeed ee fursada siinaya Alshabaab. 

5- Waxaa lagu wadaa in mid ka mid ah Madaxda Gobolka uu si deg deg ah ugu yeero Farmaajo una gudbiyo fariintii ugu danbaysay ka hor inta aan la qaban shir ay isugu yimaadaan Dawlada Federaalka ah iyo Dawlada Goboleedyada oo ay wadajir u qaban doonaan UN, IGAD iyo Midowga Afrika, laguna qaban doono xarunta AU-da. 

Fadeexadan iyo fashilkan siyaasadeed ayaa la aaminsan yahay in uu Farmaajo dhexda ka fadhiisiyey Fahad Yaasiin, iyadoo aan la ogayn halka uu jaan iyo cirib dhigay Raysalwasaare Kheyre.

Madaxweyneyaashii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ku wajahan Muqdisho todobaadkaan.

WAR-MURTIYEEDKA AY SOO SAAREEN MAANTA DOWLAD GOBOLEEDYADA WAXAA UGU MUHIIMSAN:

1. Waxay ka tacsiyeeyeen xasuuqii Mogadishu ka dhacay 14 October.

2. Musiibadii dhacday 14 October ilaa hada cid xil ku weysay iyo cid loo ciqaabay midna inaysan jirin. Taasoo micnaheedu yahay markii horeba cid masuuliyadaas umadda u haysay inaysan jirin!

3. Xukuumadii dhaxe ee ay ahayd inay amniga ka shaqeyso inay ku mashquulsantahay siyaasad lagu kala geynayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

4. Miisaaniyadii amniga iyo tii Dowlad Goboleedyada loogu talo galay in loo leexiyay duminta Dowlad Goboleedyada.

5. Waxay ku baaqeen inla qabto shir wadatashi si looga hortago in khalkhal siyaasadeed iyo mid amni daro uu dalka ka dhaco.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...