[Topnews:-] Fanaan laga dhigay kormeeraha seddexaad Ciidanka Boliiska Somalia ?
Fanaan Dayax Dalnuurshe oo mudo dheer ka tirsanaay Ciidanka Boliiska Somalia ayaa dalacaadda la siiyay waxeey dad badan ku tilmaameen mid saaxiibtinimo laakiin nasiibdaradda ugu weyn waxeey tahay inuu Sarkaalkaas la dalacsiiyay heeysan baabuur iyo Ciidan ilaaliya.
Kabtan Dayax Dalnuurshe oo dhawaan aroosay ayaa degan xaafad danyarta degta oo ku taal degmadda Waaberi isagoo maalin walba ku safra ama isticmaala baabuurta loo yaqaan Bajaajta.
inkastoo Dayax dalnuurshe mudo dheer ahaay Ciidanka dhar cadka Boliiska haddana dalacaadaan,oo ka dhigeeysa askari hubeeysan oo derajo sare haayo waxeey u muuqataa mid halis gelin doonta naftiisa maadama ay argagixisadda dileen kuwii isagga ka awood badnaa ee ilaaladda watay.
Sikastaba ha ahaatee, wuxuu Dayax dalnuurshe ka caasiyoobay waalidkii dhalay isagoo ka diiday inuu ka baxo ka mid ahaanshaha Ciidanka Boliiska maadama aysan kala jecleeyn noloshiisa .
By Dahir Alasow
[Topnews:-] Fanaan laga dhigay kormeeraha seddexaad Ciidanka Boliiska Somalia ?
Waagacusub.com - Taliyahii xilka laga qaaday ee Boliiska Mr Saacid Diyaano ayaa kormeeraha seddexaad ee Ciidanka Boliiska Somalia u magacaabay Fanaan Dayax Dalnuurshe oo magaciisa runtaa yahay Dahir Muse.