Xarunta WATASHI Oo Dood Cilmiyeed Looga Hadlayay Xaalada Amniga Ee Dalka Ku Qabatay Muqdisho

0
Thursday November 02, 2017 - 23:44:24 in Wararka by Mogadishu Reporter
  • Visits: 2260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xarunta WATASHI Oo Dood Cilmiyeed Looga Hadlayay Xaalada Amniga Ee Dalka Ku Qabatay Muqdisho

    Xarunta WATASHI Oo Dood Cilmiyeed Looga Hadlayay Xaalada Amniga Ee Dalka Ku Qabatay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta WATASHI Oo Dood Cilmiyeed Looga Hadlayay Xaalada Amniga Ee Dalka Ku Qabatay Muqdisho Kulan Dood Cilmiyeed ah oo looga hadlayey qiimaynta Xaalada Amniga Dalka oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Nabadda iyo Amniga ee WATASHI ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho. 

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Suxufiyiin, Odayaal iyo Dhalinyaro ayaa lagu lafa guray xaalada Amniga Dalka.

Dooda ayaa waxaa ka qayb galay Xuseen Macalin oo ahaa la taliyihii hore ee Amniga Qaran Madaxweyne Farmaajo, Abdirashid Khalif Xaashi oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmi baarista ee Heritage, Senator Maxamad Amiin Sheekh Cusmaan oo ah Gudoomiyaha Gudiga Difaaca ee Aqalka Sare iyo C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ahaa Musharraxiintii Isbedel doonka.

Su’aalaha dooda ayaa ahaa halka uu ku danbeeyey Hindisihii Amniga Qaranka ee shirkii London, hawlihii xasilinta iyo bixitaanka AMISOM. 

Ka soo qaybgalayaasha ayaa isku raacay waxyaabaha soo socda

1- In fashalka Amniga uu salka ku hayo isfaman la’aan iyo khilaaf siyaasadeed.
2- In aysan mushkiladu ahayn mid farsamo Maadaama sanad ka yar labo jeer la bedelay taliyayaasha ciidanka. Mushkilada ayaa lagu tilmaamay mid siyaasad iyo istiraatiijiyad. 

3- In islaxisaabtan dhab ah loo baahan yahay taasna ay bilaanbaan Hay’adaha Dastuurriga ah sida; Baarlamaanka iyo Aqalka Sare. 

4- In hogaanka Dalka ka waantoobo niyad jebinta Ciidanka Xoogga Dalka, waajibna tahay in xil la iska saaro daryeelka ciidanka.

5- In Shacabka qaybihiisa kala duwan la ababulo, loona jiheeyo la dagaalka Alshabaab. Meelna looga soo wada jeesto la dagalaanka Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, kasoo qayb galayaasha oo su’aalo iyo faalooyin soo jeediyey ayaa soo dhoweeyey Dooda, iyagoo codsaday in doodaha nuucaan ah la badiyo.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...