[Qiso] Awood Sheegashada Kheyre Iyo Shaqo Ka Joojintii Qadro.

0
Thursday November 30, 2017 - 01:57:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5817
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Qiso] Awood Sheegashada Kheyre Iyo Shaqo Ka Joojintii Qadro.

    Waagacusub.com - Waxey aheyd 14-kii November 30 maalin kaddib qaraxii Zoobe, waxaa hoolka Sahal ka socday xaflad u muuqatay mid loogu baroor diiqayo dadkii ku baaba'ay qaraxaas, looguna duceynayo inuu alle caafimad siiyo kuwii ku dhaawacmay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Waxey aheyd 14-kii November 30 maalin kaddib qaraxii Zoobe, waxaa hoolka Sahal ka socday xaflad u muuqatay mid loogu baroor diiqayo dadkii ku baaba'ay qaraxaas, looguna duceynayo inuu alle caafimad siiyo kuwii ku dhaawacmay.

Waxey aheyd habeen murug iyo mashaqadeeda xambaarsan, waxaa goobta soo gaaray ra’aysul wasaare Kheyre, sidoo kale waxaa hoolka dhinaca kale kaga sugnaa wiil yar oo caseeye (baalasle) ah, oo ku dhaawacmay qarixii Zoobe

Wiilkii yaraa oo ku haminayay in uu la kulmo ra’aysul wasaare Kheyre ayaa ka codsaday Khadra Albash oo ka mid aheyd shaqaalaha Maamuus Company oo ka shaqeeya diyaarinta hoolalka xafaladaha, in ay ka caawiso inuu la kulmo ra’aysul wasaaraha.


Loading...

Khadro intii ay socotay qudbaddii ra’aysul wasaaraha ayey si hoose ula hadashay qaar ka mid ah team protocole-ka ra’aysul wasaaraha iyadoona u sheegtay in uu jiro wiil yar oo qarixii Zoobe ku dhaawacmay, rabana in uu la kulmo ra’aysul wasaaraha

Team Protocole-ka ayaa u sheegay Qadro in aysan suurta gal aheyn taa.

Qadro oo iska fadhiso qeybaha dambe ee hoolka ayaa waxaa dib uguso laabtay wiilkii yaraa ee dhawacaa ahaa, waxuuna markale ka codsaday in ay ka caawiso la kulanka ra’aysul wasaaraha.

Waxaa soo idlaatay qudbaddii ra’aysul wasaaraha, Qadro oo is celin weysay, eegeysayna codsiga wiilka yar ee dhibanaha ah ayaa ka daftay miis akteeda yaalay codbaahiye (Microfone), waxeyna cod dheer kaga codsatay ray’aysul wasaaraha in uu jiro wiil yar oo ku dhaawacmay qarixii Zoobe rabana inuu la kulmo.

Ray’aysul wasaare kheyre ayaa aqbalay codsigii, waxuu kusoo laabtay masrixii uu kasii dagaayay, waxaa hoolkii is qabsaday sacab iyo farxad, Waxaa soo gaartay Qadro oo gacanta ku dhagan wiilkii yaraa sida idinkaga muuqata sawirka kore.

Ray’aysul wasaaraha ayaa wiilkii yaraa u shegay in uu ka xunyahay dhibka kasoo garay qarixii Zoobe, waxuu u yeeray Cumar oo ah Chief Protocole-kiisa waxuuna ku amray in uu wiilka yar siiyo kaar uu ku qoranyahay lambarada laga helo isaga ( Business Card), waxuuna wiilka yar ku yiri Kheyre "Adeer lambarkaas igaso wac, aniga ayaa wax kuu qabanayo, waxaa tahay mustaqbalka dalka, waxna kaama hallaabayaan insha allah”.

Wiilkii yaraa oo aan fahmin kaarka la siiyay iyo Qadro oo u aragta in ay gudatay waajidkii ka saarnaa codsigii wiilka ayaa iskagasoo dagay masraxa, waxaana soo idlaatay xafalddii habeenkaa.

Waxaan ka mid ahaa dadkii ku sugnaa hoolka waxeyna iila muuqatay Qadro gabar naxariis badan aadna uga damqatay dhibka ka muuqday wiilkaa yar.

MAXAA DHACAY XAFLADDA KADDIB.

Waxaa soo dhacay telfooon ka yimid Xafiiska ra’aysul wasaaraha kaas oo ku socday Xafiiska Maamuus Company oo ah halkii ay ka shaqeyneysay Qadro.

Waxaa madaxda ugu sareysa Maamuus lagu amray in ay shaqo joojin ku sameeyaan Qadro, qalad weyna ay ka gashay ra’aysul wasaaraha.

Agaasimaha guud ee Maamuus Company ayaa Qadro lasoo xiriiray waxuuna u shegay in ay shaqadeedii ku weysay waxii ay sameysay habeenkii xafladda, oo ahaa wax qalad ah.

Waxaa is weydiineysaa waxa sahlay in Kheyre uu shaqo ka joojiyo gabar u shaqeysa Company Private ah, waxaase kaaga filan taa in Maamus Campany ay tahay Company ka shaqeeya habeenta, hagaajinta iyo qurxinta hoolalka oo intooda badan ay ka caawiyaan madaxda dowladda, shaqadoodana ay ku tiirsantahay dowladda.

Hadda Qadro waxey shaqadeedii ku weysay in ay ra’aysul wasaare la kulmiso wiil ka mid ah shacabka uu madaxda u yahay, islamarkaana ay quseysay xafalddii habeenkaas maadaama uu yahay dhibane ku dhaawacmay qarixii Zoobe, xafladduna ay aheyd mid loogu duceynayay dhammaan intii ku dhaawacantay qaraxaas.

Shaqo ka raacdeynta Qadro oo uu sababteeda lahaa ra’aysul wasaare Kheyre ayaa kusoo aadeysa labo maalin uun kaddib markii uu kusoo qoray boggiisa Twitter-ka Mr Kheyre in dowladdiisu ay shaqaleysiisay 5000 qof.

Qadro oo aan sameyn wax ka baxsan in ay kulmisay wiil iyo ra’aysul wasaarihiisa ayaa hadda ah dhibane shaqadeedii laga joojiyay, waxaase arrin lala yaabo noqotay in la sheegto shaqaleysiin 5000 qof oo an la arag iyo shaqo ka raacdeyn gabar dhallinyaro ah oo wax ku baratay duruufaha Muqdisho.

In shaqada uu ka raacdeeyo mr Kheyre gabar ka shaqeysa Company Private ah ayaa ku tusineysa heerka aan ka joogno awood sheegashada Masuuliyadeed ee madaxda dalka ku kacayaan.

W/Q:- Nuune Ali Hassan Habeysane

Share dheh si ay u gaarto asxaabtaada.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...