[Topnews:-] Guddigga xaquuqul insaanka baarlamaanka oo xilkii ka qaaday Xildhibaanad Lesbian ah ?
"Xildhibaanad Sagal Biixi oo la rumeeysan yahay iney tahay Lesbian ama haweeneey sida nin ula galmoota gabdhaha ayaa xilka laga qaaday waxaa loo doortay Xildhibaanad lagu magacaabo Xaawo Yusuf oo u dhalatay beesha Majeerteen gaar ahaan Cumar Maxamuud" ayey tiri Xildhibaanad Sacdiya oo la soo xiriirtay Waagacusub.
"Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu badbaadin waayey Sagal Biixi oo ay isku qabiilka Mareexaan gaar ahaan Reer Diini isla yihiin haddana waxaa uga baxday lacag badan". ayey tiri Xildhibaanad codsatay inaan magaceeda la xigan.
kooxda Villa Somalia iyo Xildhibaanad Sagal biixi ayaa bilaabay iney la xiriiraan Warbaahinta madaxabanaan si loo dacaayadeeyo Xildhibaanadda xilka qaadista ku sameeyay ee guddigga xaquuqul insaanka baarlamaanka Somalia.
Dastuurka Somalia waxaa ku cad inuu waafaqsan yahay diinta Islaamka sidaas darteedna aan dalka laga hirgelin karin sharci ka hor imaanaya shareecadda Islaamka.
Shacabka Soomaaliyeed oo 99% ah dad Muslima waxeey aad u neceb yihiin isguursiga ragga ,waxeeyna u yaqaaniin khaniisiin ama QOOMU LUUD ,halka ay taasina la mid tahay ololaha ay Xildhibaan Sagal Biixi waday ee isguursiga dumarka.
Sikastaba ha ahaatee, sanadahii ugu dambeeyay waxaa sii kordhaya rag iyo dumar QOOMU LUUD noqday iyo kuwa gaaloobay oo ka diiwaangashan kaniisadaha ku yaala Kenya iyo dalal kale oo Caalamka ah.
[Topnews:-] Guddigga xaquuqul insaanka baarlamaanka oo xilkii ka qaaday Xildhibaanad Lesbian ah ?
Gudigga xaquuqul insaanka oo ka kooban 16 Xildhibaan oo dhamaantood haween ah ayaa xilkii Gudoomiyaha gudiggaas ka xayuubshay Xildhibaan Sagal Biixi oo lagu eedeeyay iney olole ugu jirtay sharci ogolaanaya iney haweenka is guursan karaan ,sida ay Waa