Donald Trump oo ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel

0
Wednesday December 06, 2017 - 23:32:43 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump oo ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel

    Donald Trump oo ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Donald Trump oo ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhow ku dhawaaqay in magaalada Qudus uu u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Hadal uu goor dhow jeediyay ayuu ku sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu horumarinayo hanaanka nabadda ee Bariga Dhexe.

Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu taageerayo xal labo dowladood ah, hadii ay ogolaadaan Israel iyo Falastiiniyiinta.

Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay bilaabi doonto diyaar garowga hanaanka Safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv loogu rarayo magaalada Qudus.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Falastiniyiinta ayaa goor sii horeysay ka digay in tallaabadan ay ka dhalan karto cawaaqib xumo.

Sidoo kale Madaxda dalalka Carabta qaarkood ayaa iyana uga digay in arrintan ay keeni cawaaqib xumo.

Madaxweynaha Turkiga ayaa horay ugu baaqay Madaxda Dalalka Islaamka inay isugu yimaadaan shir deg deg ah, oo looga arrinsanado qorshaha Trump, waxaana uu ku hanjabay inuu xiriirka u jarayo Israel, haddii Mareykanka u aqoonsado magaalada barakeysan ee Qudus inay tahay Caasimadda Israel.

Donald Trump ayaa horay olole ugu galay in magaalada Qudus u aqoonsanayo Caasimadda Israel, isla markaana Safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv uu ka soo rarayo.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...