Askari ka tirsan Ahlusuna oo nin darawal ah ku dilay Dhuusamareeb

0
Wednesday January 17, 2018 - 14:12:45 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari ka tirsan Ahlusuna oo nin darawal ah ku dilay Dhuusamareeb

    Askari ka tirsan Ahlusuna oo nin darawal ah ku dilay Dhuusamareeb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari ka tirsan Ahlusuna oo nin darawal ah ku dilay Dhuusamareeb

Askari ka tirsan Ahlusuna ayaa goor dhow magaalada Dhuusamareeb ku dilay nin darawal ah, kaddib markii uu ka shakiyay.

Dilka ayaa ka dambeeyay, markii ninka darawalka oo kaxeynayay gaari kuwa xamuulka ee dhayaxyada qaada uu ka soo baxay meel waddo aheyd oo xirneyd, waxaana askari wadada taagnaa uu markii dambe rasaas ku furay.

Wararka ayaa sheegaya in ninka darawalka ah ay rasaasta ka haleeshay madaxa, oo uu markii dambe u geeriyooday.

Ciidamada Amniga Ahlusuna ayaa markii dambe askariga falka dilka geystay qabtay, waxaana lagu xiray Saldhigga Dhuusamareeb.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo magaalada uu ku sugan yahay Madaxweynaha Farmaajo iyo Madax kale oo ka socota maamul goboleedyada.

Wixii warar ah kala soco .www.waagacusu.com 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...