[Wardegdega:-] Gudoomiyaha Banaadir oo loo diyaarshay xilka qaadis iyo Xabsi u taxaabis berri kadib markii ?

0
Friday January 19, 2018 - 09:50:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Wardegdega:-] Gudoomiyaha Banaadir oo loo diyaarshay xilka qaadis iyo Xabsi u taxaabis berri kadib markii ?

    Ra'isulwasaare Kheyrlawe ayaa sheegay inuu dagaalkii siyaasadeed uga adkaatay Duqa Muqdisho Mr Taabit , sidaas darteed uu diyaarshay in xilka qaadis ay berri ku sameeyaan Gollaha Wasiiradda kadibna Xabsiga la dhigo iyadoo lagu dacweeyay dacwad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isulwasaare Kheyrlawe ayaa sheegay inuu dagaalkii siyaasadeed uga adkaatay Duqa Muqdisho Mr Taabit , sidaas darteed uu diyaarshay in xilka qaadis ay berri ku sameeyaan Gollaha Wasiiradda kadibna Xabsiga la dhigo iyadoo lagu dacweeyay dacwad xatooyo hanti Qaran.
Inkastoo Gudoomiye Taabit lagu heeysto inuu iibsaday dhulkii danta guud ee Barxadda Ceelgaab haddana waxeey Farmaajo iyo Kheyrlawe u bahdilayaan shirweynaha uu iclaamiyay ee 28-ka bishaan looga hadli doono maqaamka Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeeysay soo dhigay barahiisa bulshadda,sida Facebook iyo Twitter war uu ku sheegay inaan la iibin karin dhulka danta guud ee Muqdisho maadama uu hanti Qaran yahay, waxaana amarkaan loo fasiray inuu yahay mid uu soo abaabulay Xasan Cali Kheyrlawe oo sida muuqata aad ugu dhaw Farmaajo.
Kheyrlawe wuxuu aaminsan yahay in shirkaas maqaamka Gobolka Banaadir yahay mid ay ku midoobayaan beelaha Habargidir iyo Abgaal oo qeybsan doono awoodda ama kuraasta ugu badan ee gobolka .
Taliyaha Sirdoonka Qaranka Zakariye Ismaaciil ayaa sheegay inuu xabsiga u taxaabi doono Gudoomiye Taabit Cabdi laakiin xeeldheerayaasha ayaa aaminsan in dagaalka ay Farmaajo iyo Ra'isulwasaarahiisa la galeen Taabit noqon doono mid ka baaxad weeynaan doono sida ay u yareeysanayaan.
Gudoomiye Taabit Cabdi wuxuu taageero xoogan ka heeystaa Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda beelaha Habargidir iyo Abgaal iyadoo shacbiyadiisa laga dareemay hoolkii Dhuusamareeb maadama sacab lala wada istaagay markii uu galay.taas oo ka dhigneed inuu ka sumcad iyo taageero batay Farmaajo iyo Kheyrlawe.
Sikastaba ha ahaatee, haddii ka hor 28 Jan 2018 xilka laga qaado Gudoomiye Taabit waxeey beelweynta iyo beelaha dega Muqdisho xaqiiqsanayaan in amaradda uu soo saaray Farmaajo nuxurkoodu yahay sidii loo ceebeeyn lahaay Taabit ,iyadoo loo socdo in la fashiliyo shirka loo madlan yahay ee reer Banaadir wada sugayaan.

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...