La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo oo kulan qarsoodi la yeeshay Safiirka Imaaraadka

0
Wednesday February 07, 2018 - 12:57:51 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo oo kulan qarsoodi la yeeshay Safiirka Imaaraadka

    La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo oo kulan qarsoodi la yeeshay Safiirka Imaaraadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo oo kulan qarsoodi la yeeshay Safiirka Imaaraadka La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan Al Xamaadi, kulankan ayaa ka dhacay xarunta Safaaradda ku leedahay magaalada Muqdisho.

Loading...

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka Carabta Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa ugu horeyn la Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay.

Waxaa kulanka looga hadlay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhanka ammaanka, waxaana La Taliyaha uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta taageerada ay siiyaan Ciidamada Soomaaliya iyo tababarada ay ku siiyaan xaruntooda Muqdisho.

La Taliyaha Amniga Qaranka uu ka shaqeynayo sidii Imaaraadka Carabta iyo dowladda Soomaaliya isku soo dhoweyn lahaa, iyadoo warar soo baxayo ay sheegayaan inuu jiray kulan Madaxweynaha iyo Safiirka maanta ku qaateen Xarunta Madaxtooyada.

Kulanka Safiirka iyo La Taliyaha Amniga Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan uu La Taliyaha Amniga soo saaray amar ku wajahnaa Taliska Ciidanka xoogga dalka oo ku saabsanaa in aan hub laga saari karin Keydka Hubka, inta laga koontaroolo saanada ciidan.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...