[Hal sano kaddib,] kacaanka 8-da February Maxaa lagu xusuusan doonaa ?

0
Sunday February 11, 2018 - 04:03:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [Hal sano kaddib,] kacaanka 8-da February Maxaa lagu xusuusan doonaa ?

    Waagacusub.com - 1. Xasuuqii Bariirre 
2. Dilkii Wasiir Siraaji
3. Kala dirka & isku dirka Rugta Ganacsiga Soomaaliya
4. Qaraxiii 14 October oo ay ku geeriyoodeen 512 qof, ahaana kii ugu weynaa taariikhda Africa 
5. Is-casilaaddii Wasiirr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - 1. Xasuuqii Bariirre 
2. Dilkii Wasiir Siraaji
3. Kala dirka & isku dirka Rugta Ganacsiga Soomaaliya
4. Qaraxiii 14 October oo ay ku geeriyoodeen 512 qof, ahaana kii ugu weynaa taariikhda Africa 
5. Is-casilaaddii Wasiirro iyo safiirro aad ugu dhowaa Farmaajo balse ka yaqyaqsooday heerka musuq-maasuqa iyo dhaqan xumada (Maryan Qasim & C/Raxman Caynte)
6. Isbeddelka joogtada ah ee xilalka ugu muhiimsan (3 duq magaalo, 3 taliye booliis, 3 taliye nabad sugid)
7. Xilal muhiim ah oo iska bannaan (Taliyeyaasha bookiiska, nabad sugidda, 2 Wasiir, 15 safiir & 26 agaasime)
8. U kala hiillinta dalalka Khaliijka ee walaalaha ah (Qatar oo laga soo qaraabto)
9. Agaasime Madaxtooyo oo ka awood badan Madaxweynaha iyo R/wasaaraha
10. Xasuuqii 6-dii askari ee ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ee lagu laayay Xarunta Xisbiga Wadajir 17-kii December
11. Ku duulintaanka iyo cabburinta siyaasiyiinta ka aragtida duwan
12. #IguSawir iyo sheegashada libin walba. Faan iyo is-buunbuunin
13. Iibsashada farshaxanle Amin Caamir oo 8-dii February kahor ahaa nin madax bannaan balse haatan ku uruuray jeebka Fahad Yaasiin
14. Sameysashada la Taliye-yaal lagu yaqaanno inuu dhimirkoodu dhantaalan yahay sida: Abdulahi telefan ,Awliyo, iyo kuwa kale
15. U magacaabidda wiilashii kastuumooyinka u feereyn jiray Farmaajo iyo Kheyre (Tuulax & Cumar) guddoomiye ku xigeennada gobolka Benadir, taas oo muujineysa kalsooni darro gaamurtay.
16. Dibu yagleelidda ururkii hubeysnaa ee Al-Ittixad ama Al-Ictisaam oo shirweyne ku qabsaday Kismaayo
17. Sheegashada guulo been abuur ah, sida: World Economic Forum inay ugu horreeyeen 27 sano
18. Sameynta guutada baraha bulshada oo ka kooban 500 oo dhallinyaro ah oo bishii $500 qaata, si ay u buunbuuniyaan kacaanka 8da February
19. La wareegidda dhammaan ilihii dhaqaale ee dalka sida Dekedda & Airport ka
20. Bixinta qandaraasyada dalka oo loo weeciyo ganacsato ee xigto iyo xidid yihiin Fahad, Farmaajo & Khayre, sida: (Axmed Faarax, Gaambe, Nuur Qoolow, Ismaaciil Gooni, Cabdi Cali Faarax, C/Mannaan, Siraaji oo ah madaxa HornConnect)
21- dhiibisti Qalbi Dhagax
22- Awoodii Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida oo loo weeciyay Raisul wasaaraha kana qeybgala xafaladaha ciidamada
sida tii Police Ka, xarig jarki Dugsiga tababarka ee Turkeyga
23- Jidadka waaween iyo jidcadayaasha oo laxiro
24- Safaro aan Xad leheen
25- Dhagax dhig aan lacag loo heyn
26- Shaqaale lagu badasho Shaqaale cusub sharci la’aan
27- kabaaqashada xirirka muhiim ka u ah soomaaliya sida kuwi dhacay 2017 ee ahaa Midowga Africa, IGAD Iyo UN Ka oo uu tagay PMka.
28- Weerarka guri Senetor iyo musqulo leesku jabsho.
29- Burburinta Maamul goboleedyada
30- weerar lagu qaado Sharafka xildhibaanka oo lagu eedeeyo in uu Dowlado shisheeeye ku xiranyahay aaaan waxba kajirin.
31- Ciidanka xooga dalka Somalia oo lagu laayey Bariire kamma dirin tacsi laakiin dad Mareykanka lagu laayey ayuu tacsi Qaran ka diray.
Ballanqaadyadiisii ma fulin Madaxweyne Farmaajo ?
A- Wuxuu sheegay inuu lacag boqol kun siin doono qofkii qarax soo sheega laakiin waxeey noqotay ballantaas afka baarkiis?
B- Wuxuu sheegay inuu guryaha la qarxiyay dhisi doono laakiin waxeey ballantaas noqotay afka baarkiisa.
C- Wuxuu sheegay in Shabaab weerar uu ku qaadi doono laakiin wuxuu ballanqaadkaas noqday booto iyo afka baarkiisa.
Sikastaba ha ahaatee, Kacaanka 8 Feb waxaa lagu xasuusan doonaa Been,Booto ,Ballanqaadyo ku saabsan afka baarkiisa, Gumeeysi u shaqeeyn iyo IGU SAWIR.

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...