[Topnews:-] Kacaa-kufka 'Faalaloowga' Netenyahu oo fadeexado waaweyn iyo dacwado hareeyeen

0
Thursday February 22, 2018 - 11:50:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Kacaa-kufka 'Faalaloowga' Netenyahu oo fadeexado waaweyn iyo dacwado hareeyeen

    Waagacusub.com - Markii ugu horeysay oo uu noqday Ra'isulwasaare, Benjamin Netanyahu waxa ay warbaahinta Israa'iil ku tilmaamtay 'sixiroole', sababtuna waxay ahayd awoodda uu u lahaa in uu ka gudbo caqabado badan oo soo foodsaaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Markii ugu horeysay oo uu noqday Ra'isulwasaare, Benjamin Netanyahu waxa ay warbaahinta Israa'iil ku tilmaamtay 'sixiroole', sababtuna waxay ahayd awoodda uu u lahaa in uu ka gudbo caqabado badan oo soo foodsaaray iyo sida uu u jiiray darbiyo siyaasadeed oo aysan ciddina filanaynin in uu ka gudbi karo.

Sanadkii 1996-dii waxa uu ka guuleystay Shimon Peres oo ay doorasho wada galeen.

Balse nasiibka ama qibradda siyaasadeed ee Netanyahu ayaa laga yaabaa in cimrigeedii dhamaaday, waxaana hadda soo baxaysa in baaritaankii booliiska ee ku saabsanaa fadeexado musuqmaasuq in ay hadda isu badalayaan dacwado sal adag oo maxkamadaha taga.

Illaa afar baaritaan oo kala duwan ayay booliiska hayaan, labo waxa ay ku fureen Netanyahu, labana qoyskiisa.

Mid ka mid ah baaritaanada waxa uu la xiriiraa in Ra'isulwasaaraha uu haddiyado ka aqbalay nin ka tirsan shirkadda Bollywood oo lagu magacaabo Arnon Mulchan iyo nin ganacsade ah oo u dhashay Australia James Packer, haddiyadahaas oo aan ahayn 'kuwa yar, islamarkaasna maangal ah' sida uu qabo sharciga Israa'iil.

.Lahaanshaha sawirkaAFP/GETTY IMAGES

Xaaskiisa Sara waxaa lagu heystaa in lacag gaaraysa $113,100 oo cunto dalab ah guriga loogu keeni jiray si aan waafaqsanayn sharciga.

Warbaahinta waxa ay eedda inteeda badan saaraysaa xaaska, oo la sheegay in ay iyada sabab u tahay in Ra'isulwasaaraha uu ku noolaado nolol saraysa oo qaali ah.

Dacwad kale waxa ay ku saabsantahay heshiis la sheegay in lala galay wargeyska Yadiot Aharanot oo laga doonayay in warar wanaagsan uu ka qoro Ra'isulwasaaraha. Iyada oo sidoo kale looga badashay in la wiiqo wargeyska kale ee kan uu tartanka kala dhaxeeyo ee Israel Hayom oo uu leeyahay ganacsadaha Maraykanka u dhashay ee Sheldon Adelson.

Cod sir ah oo laga duubay wada sheekeysi taleefoon ku dhexmaray Netanyahu iyo ninka lagu magacaabo Arnon Mozes oo ah ninka daabaca wargeyska Yediot ayaa qeyb ka ah caddaymaha la hayo. Waxaa sidoo kale marqaatiga dowladda noqday agaasimihii hore ee xafiiska Ra'isulwasaaraha Ari Harow oo bixin doona qiraal.

Kiiska sedexaad waxa loo heystaa garyaqaanka Ra'isulwasaaraha iyo nin Netenyahu ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo David Shimron. Wuxuuna ku saabsanyahay qandaraas lagu soo gadayay maraakiibta gunjisyada ah.

Dacwadda afaraad ee ay booliiska baarayaan ayaa ku saabsan nin lagu magacaabo Shlomo Filber oo ahaa madaxa guddiga dhexe ee xisbiga Likut, kaas oo markii dambe uu Netanyahu u magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda isgaarsiinta, kadibna uu ninkaas xogo sir ah siiyay shirkadda Bezeq xili la waday qorshe dib u habeyn loogu samaynayay nidaamka isgaarsiinta.

Ficiladan la sheegay in uu Ra'isulwasaaraha ku kacay ayaa ka hor imanaya dhaqanka asaaska u ah dadka yuhuudda.

Tusaale ahaan Ra'isulwasaarihii koowaad ee Isra'iil David Ben Gurion ayaa la sheegay in uu ku noolaan jiray guri iska caadi ah, islamarkaasna uusan dalban jirin waxyaabo dheeraad ah.

Ra'isulwasaarihii koowaad ee Isra'iil David Ben Gurion.Lahaanshaha sawirkaGPO VIA GETTY IMAGES
Image captionRa'isulwasaarihii koowaad ee Isra'iil David Ben Gurion

Dad badan ayaa banaanbaxyo ka sameeyay falalka Ra'isulwasaaraha, waxayna ku cadaadinayaan in uu xilka ka dego.

Labadii nin ee xilka kaga horeeyay Ehud Barak iyo Ariel Sharon, labaduna waxaa lagu furay baaritaano la xiriira musuqmaasuq, iyada oo Ehud laba xukumay, xabsina loo diray.

Netanyahu ayaase beeniyay eedeymaha loo jeediyay, isaga oo sidii Trump weeraray madaxa booliiska, wuxuuna wacad ku maray in uusan xilka ka degi doonin.

Xisbiga midigta fog ee isbahaysiga kula jira xisbiga Netanyahu ayaa la sheegay in aysan doonaynin in uu xilka ka dego, sababtoo ah taas waxa ay ka dhigantahay in durbadiiba uu burburayo isbahaysiga dowladda lagu dhisay.

Waxaase jirta fursad ah in haddii Iran ay sii waddo hawlaheeda Suuriya iyo Lubnaan, loona arko halis kusoo food leh Israa'iil, in shacabka ay indhaha ka daboolan doonaan fadeexadda musuqmaasuqa, lana taageeri doono Netanyahu.

Source: BBCSomali


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...