[Topnews:-] Al-Shabaab oo hub culus ka qabsaday Amisom - Balcad oo ay dagaal ku qabsadeen - Muqdisho malaga difaaci karaa ?

0
Friday March 02, 2018 - 14:32:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8118
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Al-Shabaab oo hub culus ka qabsaday Amisom - Balcad oo ay dagaal ku qabsadeen - Muqdisho malaga difaaci karaa ?

    Waagacusub.com - Argagixisadda Al-Shabaab ayaa hubkii ugu cuslaay ka qabsaday Ciidanka Amisom ee jooga gobolka Shabeeladda dhexe, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Argagixisadda Al-Shabaab ayaa hubkii ugu cuslaay ka qabsaday Ciidanka Amisom ee jooga gobolka Shabeeladda dhexe, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal .

"Argagixisadda Al-Shabaab waxeey maanta qabsadeen Balcad, sidoo kale tuuladii Gololey ee u dhaxaysay Balcad iyo Jowhar waa ay weerareen ,baabuur Amisom leedahay ayay qabsadeen. Sida muuqata nimankii horrar ayay soo yihiin cid iska caabineysana ma muuqato” ayuu yiri taliye ka tirsan Ciidanka xooga dalka Somalia.


Loading...

"Baabuurta AMISOM laga qabsaday waxaa ay gaarayeen 20 baabuur oo intooda badan xamuul siday (rashin)” ayuu yiri Gudoomiyaha degmadda Balcad oo Waagacusub la hadlay.


Gudoomiyaha Balcad wuxuu yiri " Waxaa Baabuurtii Amisom ka badbaaday 2 baabuur kaliya, Ugu yaraan 18 Baabuur iyo Askartii saarnayd waa qabsadeen, Inta badan dab ayey qabadsiiyeen ,waxeey qafaasheen Ciidankii la socday” 

Argagixisadda markii ay qabsadeen degmadda Balcad waxeey Xabsiyadda ka sii daayeen dhamaan Maxaabiistii ku xirneeyd, waxeeyna gubeen degmadda Magaaladda.

Dhinaca kale, Taliska Ciidanka Melleteriga ee Degmadda Afgooye ayuu isku qarxiyay nin watay baabuur Caasiya. sidoo kale dhaawacyadii la soo qaaday ayey wadada u galeen degaanka 13 Zone.

Sida muuqata argagixisadda Al-Shabaab oo gacan ka helaya Agaasimaha guud ee Villa Somalia Mr Fahad Yasin waxeey bil gudaheed ku soo geli doonaan Muqdisho maxaa yeelay waxeey heleen hubkii ugu cuslaay .

Xeeldheerayaashu waxeey leeyihiin ma muuqato Ciidan iyo awood Muqdisho ka difaaci kara argagixisadda Al-Shabaab.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...