[Topnews:-] Muqdisho oo khad Cagaaran yeelatay Caydiid iyo Cali Mahdi kadib - Baabuur ku eg ?

1
Saturday March 03, 2018 - 12:04:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Muqdisho oo khad Cagaaran yeelatay Caydiid iyo Cali Mahdi kadib - Baabuur ku eg ?

    Cajiiiiiiiiiib: Muqdisho, malaha, waxaa ka sameysmay QAD CAGAARAN. Gaadiidka ka imaada magaalada qeybaheeda waqooyiga, galbeedka iyo koofurta waxay ku eg yihiin Seybiyaano, Tarbuunka, Danwadaagaha, Bar Bakiin iyo Sanca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cajiiiiiiiiiib: Muqdisho, malaha, waxaa ka sameysmay QAD CAGAARAN. Gaadiidka ka imaada magaalada qeybaheeda waqooyiga, galbeedka iyo koofurta waxay ku eg yihiin Seybiyaano, Tarbuunka, Danwadaagaha, Bar Bakiin iyo Sanca.

Halkaas ayay dadka ku daadinayaan, waxaana qeybtaas dhinaceeda kale jooga gaadiid kale oo dadka ka qaadaya, tan oo i soo xasuusisay 1992—2006, markaas oo ay magaalada u qeybsaneed Waqooyi iyo Koofur, kadib dagaalkii CAYDIID IYO CALI MAHDI.

Tan waxay keentay iney dadku ku bixiyaan lacag ka badan intii hore gaari raacid, waxaana, saasdaraadeed, ay intooda badan door-bidaan iney lugeeyaan. Waayeelka, bukaanka, haweenka iyo caruurta ayaad arkeysaa sidey u daalan yihiin, oo ay u dhibsanayaan kala qeybsanaanta magaalada.

Dadku, badi, waxay ereyo iyo shucuurba ku muujinayaan in maalmo xiriira lagu adkeynayo iney aadaan goobahooda shaqada, waxbarashada, xarumaha caafimaadka, dukaameysi, soo adeegasho iwm, waxaana meelaha qaar ku arkeysaa shacab iyo ciidamo murmaya, taasoo mararka qaarna ku dhawaata iney keento iney askartu xabadeyso shacabka.

Inkasta oo ay dadku u fasirtaan iney dowladdu sidaan ula jeeddo iney ammaanka sugeyso, haddana, waxay isweydiinayaan iney arrintan u dhigmi karto iney dowladdu aaminsan tahay iney kataliso meelaha ay xayndaabatay, oo ay xiratay oo intooda badan ah goobaha ay xarumaheeda hadda shaqeeyaa ku yaalaan, inta kalena ay joogaan cidda ay iska soo oodeyso ee Al-Shabaab.

Xigasho Noor Ali Farah


Loading...
Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...