[Topnews:-] Hooyo Foola oo Jidka laga xiray Muqdisho ayaa Tarabuun ku dhimatay - Aroos iyo Aroosadna waxaa lagu qasbay iney Lugta maalaan ? "Wariye Cali Aadan Muumin oo la kulmay"

0
Saturday March 03, 2018 - 12:13:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3079
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Hooyo Foola oo Jidka laga xiray Muqdisho ayaa Tarabuun ku dhimatay - Aroos iyo Aroosadna waxaa lagu qasbay iney Lugta maalaan ? "Wariye Cali Aadan Muumin oo la kulmay"

    Waagacusub.com - Wariye ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ayaa Muqdisho ku arkay wixii ugu xumaay noloshiisa kadib markii shacabka laga xiray Wadooyinka waaweyn iyo Jidcadayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Wariye ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ayaa Muqdisho ku arkay wixii ugu xumaay noloshiisa kadib markii shacabka laga xiray Wadooyinka waaweyn iyo Jidcadayaasha.

Waxaan Soo Arkay

Xaalka wadooyinka Muqdisho ee Maanta!!!

Ciriiri kii ugu dhibaatada badnaa ayaaka taagan Qaar kamida wadooyinka Muqdisho gaar ahaan Hodan Iyo Howl-wadaag, Ciidamada ayaa si kaftan ah shacabka ugu sheegaya in Sabab Amaan loo xiray Laamiyadda Muqdisho.

Waxaa laga soo gydbay dhagax waddo lagu xiro xaalku hadda waxa uu marayaa In Bac Jaalle ah Gees ilaa gees lagu dhajiyo waddada, kaaga sii darane STOP ayaaba ku qoran Af-Soomaali haba sheegin.

Saameynta Xirista Wadooyinka

Waxaan indhahayga Maanta/Galabta aan kusoo arkay Bajaaj Saddex kun oo shillin Soomaali ah lagu Raacayo ileen halka lagaa qaado iyo meesha lagu geynayo ayaa isku Mid ah, Sababtu waa wadada oo Ciidanka Dowladdu ay xireen.

waxaa kale oo Murugada Xirnaashiyaha wadooyinka Muqdisho laga dhaxlay kamid ahaa inaan TaraBuunka ku arkay Hooyo Fool aheyd oo wadada gawaari ay uga xirmeen ilaa markii dambe dadkii Hooyadaas la socday loo sheegay in ay wadna garaac u geeriyootay!!

Waxaan arkay gawaari Aroos oo inta meel ay maraan waayey dadkii galbiska waday ku yiri Lugeeya ileen xal kale lama hayee.

Wasiirka Amaanka Maxamed Abuukar Islow dhowaan waxa uu yiri Ciidanku dadka ha u naxariistaan, Laakiin waxa uu Hilmaamay in uu yiraahdo Taliyaashu ha eegaan Amarka Askarta ay siinayaan Ee Shacabka wax yeeleynaya!!!

IlaJoog

Loading...

Cali Aadan Muumin

Goobjoog Media

Muqdisho -Somalia

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...