[DEGDEG:] Wasiiru Dowlaha Amniga Koofurgalbeed iyo Xildhibaan ka tirsan Hirshabelle oo lagu diley qarax miino

0
Wednesday March 07, 2018 - 19:32:44 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DEGDEG:] Wasiiru Dowlaha Amniga Koofurgalbeed iyo Xildhibaan ka tirsan Hirshabelle oo lagu diley qarax miino

    DEGDEG: Wasiiru Dowlaha Amniga Koofurgalbeed iyo Xildhibaan ka tirsan Hirshabelle oo lagu diley qarax miino

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DEGDEG: Wasiiru Dowlaha Amniga Koofurgalbeed iyo Xildhibaan ka tirsan Hirshabelle oo lagu diley qarax miino    Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Wasiiru dowlihii Amniga Koofur Galbeed lagu dilay qarax miino, xilli kolonyo uu la socday ay ka soo ambabaxeen Garoonka Balli-doogle, halkaasoo uu maanta booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wasiiru dowlaha oo lagu magacaabayay C/qaadir C/raxmaan Cali Baraf ayaa waxaa la geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabayay Axmed Cabdi Faarax Kaboweyne oo ay gaari wada saarnaayeen.

Loading...

Sidoo kale waxaa qaraxa miino ku geeriyooday Ilaalada la socotay ee galbineysay kolonyada Wasiiru dowlaha iyo Mas’uuliyiinta kale oo ku sii jeeday degmada Afgooye.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay in qaraxa miino ay ku geeriyoodeen illaa shan ruux oo ay ku jiraan Wasiiru dowlaha, Xildhibaanka ka tirsan Hirshabeelle, saddex askari iyo darawal

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...