[Topnews] Ra'isulwasaaraha oo amray iney Laamaha amniga si degdega warbixin uga keenaan qaraxii dhacay

0
Friday March 23, 2018 - 02:24:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Ra'isulwasaaraha oo amray iney Laamaha amniga si degdega warbixin uga keenaan qaraxii dhacay

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo faray in Laamaha Amniga ay Warbixin Deg-deg ah ka keenaan Qaraxii Maanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo faray in Laamaha Amniga ay Warbixin Deg-deg ah ka keenaan Qaraxii Maanta.

Muqdisho, March, 22, 2018 ---- Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeynaya geerida dadkii shacabka ahaa ee maanta ku naf waayay qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay afka kore Hotel Wehliye ee Muqdisho.

"Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo can be Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee maanta nooga baxay qaraxii ka dhacay afaarka hore Hotel Wehliye ee Jidka Maka Al-Mukarama.

"Caddowga aan la dagaallameyno waa mid caadeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala pushan oo ay kamid tahay midda maanta dhacday." Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faray laamaha amniga ee arrintan khuseyso in ay warbixin deg-deg ah ka keenaan sida walxaha qarxa ay kusoo dhaafeen baraha udai. Isla xisaabtan dhab ahna waa inuu jiraa.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu All deg-deg u bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.

--- DHAMMAAD ----

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka 

Loading...

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
[email protected] 
Twitter: @SomaliPM

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...