[Jawaari] "Baarlamaanka wuu tebi doonaa, laakiin kama tegin taageerayaal badan oo xusuusan doona"

0
Friday April 13, 2018 - 08:12:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    [Jawaari] "Baarlamaanka wuu tebi doonaa, laakiin kama tegin taageerayaal badan oo xusuusan doona"

    Waagacusub.com - Waxaan aqriyey Khudbadii is casilaada ee Gudoomiye Jawaari. Khudbada oo 10 bog ahayd ayuu Odaygu fariimo culculus ku diray, iyadoo kuwa dagaalna aysan ka marnayn. Waayo aragnimo iyo xirfad sare ayaa ka muuqatay luqada ay ku qornayd i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Waxaan aqriyey Khudbadii is casilaada ee Gudoomiye Jawaari. Khudbada oo 10 bog ahayd ayuu Odaygu fariimo culculus ku diray, iyadoo kuwa dagaalna aysan ka marnayn. Waayo aragnimo iyo xirfad sare ayaa ka muuqatay luqada ay ku qornayd iyo macnaha ereyada ay xambaarsanayd.

1- Odaygu wuxuu sheegay in ragii ay is hayeen uu isagu ka roonaaday, isagoo tusaale u soo qaatay qisadii Nabi Daa’uud (CS) uu labada haween u kala xukumay canugii ay isku qabteen. Nabigga ayaa yiri aan idiin kala jaro, laakiin haweenaydii canuga dhashay ayaa tiri ha kala jarin ee iyada sii.

2- Odaygu wuxuu tilmaamay hadii aysan tanaasulkiisa ahayn in Baarlamaanka labo u kala jebi lahaa, lagana yaabi lahaa in dhiig ku daato, maadaama awood sheegad meesha soo galay.

Loading...

3- Odaygu wuxuu si kalsooni leh u sheegay hawlqabadkiisii iyo halka uu Baarlamaanka uga tegayo, isagoo 10 mar ku celiyey "waxaan idinkaga tegeyaa Baarlamaan”

4- Odaygu wuxuu ka dardaarmay ilaalinta Dastuurka, isagoo ka digay cawaaqib xumida ay leedahay in Dastuurka lagu tunto. Wuxuu kaloo tilmaamay halgankii laga soo maray dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, isagoo si dadban ugu dusiyey raga haatan hoggaanka haya in ysan qayb ka hayn halganka.

5- Oday wuxuu kaloo ka dardaarmay Madaxbanaanida Baarlamaanka. Wuxuu ka digay in hadii awooda laanta fulinta iyo sharci dejinta hal gacan ku dhacdo ay ka dhigan tahay kali talisnimo, lagana yaabo in dalka dib colaad sokeeye ugu noqdo.

Khudbada Odayga waxay ahayd dardaaran, dagaalna kama marnayn. Wuxuu fariin dagaal oo maldahan u diray Madaxda fulinta iyo raga kale ay is hayaan. Inkastoo uusan marna magac dhabin madaxda laanta fulinta (madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha), laakiin way cadayd in uu fariimaha dadban iyaga ku weeraray.

Sidoo kale, wuxuu fariin weerar dadban ku riday Baarlamaankii sideedaad, kasoo ay gudoon ka ahaayeen raga beshiisa ah ee dagaalka kaga adkaaday (Shariif Xasan iyo Aadan Madoobe). Odayga ma hilmaamin Muudeey, wuxuuse la sugay laadka ugu dambeeya, isagoo yiri

"Mudane Guddoomiye, si waafaqsan dhaqanka dawladeedka, laga bilaabo maanta uunbaad tahay Ku-sime Guddoomiye”

Jawaari wuxuu ahaa Oday xirfad xeelad badan oo in badan nidaamka Dawliga ah ku soo jiray, laakiin ma ahayn siyaasi. Mar walba xoogag siyaasadeed oo ishaya ayey gudoomiyenimadu fataq uga soo dhex lahayd (free rider).

Sanadkii 2012 wuxuu Gudoomiye noqday ka dib markii Qabiilka Hawiye iyo Daarood isku babaysteen in ay Prof. Cali Khaliif ka hor istaagaan Gudoomiyaha, halka sanadkii 2016kiina ay sidoo kale C/rashiid Xidig ka hor joogsadeen gudoonka.

Shaqo la taaban karo ayuu Baarlamaanka ka qabtay, laakiin saldhig (base) siyaasadeed ma dhisan, isbahaysi siyaasadeedna lama gelin awoodaha dalka ka jira. Taas ayaa sababtay in weerarkii siyaasadeed ee ugu horeeyeyba uu daaqada si sahlan uga faniino.

Machiavelli ayaa la sheegay in ay laga maarmaan tahay in hoggaan siyaasadeed uu leeyahay xeesha (skills) dawacada, iyo dhiirrida (courage) Libaaxa. Oday Jawaari tan hore ayuu lahaa, laakiin tan danbe wax badan loogama deeqin. Baarlamaanka wuu tebi doonaa, laakiin kama tegin taageerayaal badan oo xusuusan doona.
By Abdirahman Abdishakuur Warsame.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...