[Topnews:-] Fahad Yasin Oo xooga saaray Musharax gaara Saadaq Joon iyo Jaamac oo horseed ka -ah olalahiisa!

0
Sunday April 22, 2018 - 05:08:25 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 3142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Fahad Yasin Oo xooga saaray Musharax gaara Saadaq Joon iyo Jaamac oo horseed ka -ah olalahiisa!

    Waagacusub.com - Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda loolanka loogu jiro hanashada codadka xubnaha Baarlamaanka ee Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo ay wadaan musharaxiinta u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda loolanka loogu jiro hanashada codadka xubnaha Baarlamaanka ee Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo ay wadaan musharaxiinta u taagan qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Fedaraalka.

Waxaa soo shaac baxay durba sida madaxda dowladda u kala taageersan yihiin musharixiinta xilka Gudoomaamiyaha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyaga oo lacago fara badan ku baxinaya sidii aay u soo baxi lahaayeen shaqsiyaad gaara oo aay doonayaan in aay Baarlamaanka ku afduubtaan.

Musharaxa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiiga Xasan Cali Khayre, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ay wadato kooxda Nabad iyo Nolol la baxday waxaa markaati ka ah waxaa horseed ka -ah olalahiisa Agaasimaha Madaxtooyayada Soomaaliya Fahad Yaasiin waxaana sidoo kale hormuud ka ah Taliyaha NISA ee Gobalka Banaadir Saadaq Joon Iyo Taliye ku xigeenka NISA Jaamac.

Dhanka kale Taliyaha Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA], Xuseen Cismaan Xuseen oo loo yaqaan 'Xuseen Calool-kuus' ayeey u dheertahay Mushuraxiisa Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur isaga oo ay si hoose isaga warqabaan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Maxamed Mursal in ay wadato kooxda loo yaqaano Nabar iyo Naxdin oo uu horseed ka yahay Fahad Yaasiin olalahiisa waxaa hormuud ka ah NISA Saadaq Joon Iyo Jaamac oo Xildhibaanada qaar ku doonayo gawaarida aay leeyahiin kadibna hoygiisa ugu geeynayo Musharax Maxamed Mursal.

Dhanka kale Taliyaha NISA Xuseen Calool Kuus ayeey u dheertahay Mushuraxiisa Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur isagoo ay si hoose isaga warqabaan Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimaha Madaxtooyada.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loogu fadhiya in aay sharafta iyo karaamadooda bad baadsanadaan oo aay beeniyaan afkuubka iyo dhagarta lala damacsan yahay iyadoo goor dhow lagu wado in si rasmiya loogu dhawaaqo goorta la qabanayo doorashadda Gudoomiyaha Golaha Shacabka.


Loading...



Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...