MUXUU JACEYL YAHAY Ra'isulwasaraha ?Dhaqan Caruur ma leeyahay? Mise dhaqan nin weyn, Sheeko Cajiib ah?

0
Tuesday May 08, 2018 - 16:10:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    MUXUU JACEYL YAHAY Ra'isulwasaraha ?Dhaqan Caruur ma leeyahay? Mise dhaqan nin weyn, Sheeko Cajiib ah?

    Waagacusub.com - Labo ka mid ah Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyed oo waqti la soo qaatay Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheekeysanay maalintii shalay waxayna iiga sheekeeeyay arrin cajiib ah oo ku cusub siyaasadda soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Labo ka mid ah Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyed oo waqti la soo qaatay Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheekeysanay maalintii shalay waxayna iiga sheekeeeyay arrin cajiib ah oo ku cusub siyaasadda soomaaliya.

Xilli subax ah ayaa la balamay Ra'iisal Wasaaraha si aan miiska quracda ugu kor sheekeysano.

Inta badan waxaa uu jaceyl yahay inaad ugu sheekeyso Ra'iisal wasaare Kheyre sida loo arko dhaqankiisa , lebiskiisa iyo Siyaasaddiisa.

Haddii aad u sheegtid in xalay Hotel SYL ama Jaziira ama meel kale waxaa loogu sheekeysanayay ay tahay horumarkiisa siyaasadeed quracada waa ku daahaysin oo waqtiga ayaa idin badanaya mar walbana runta waxaa uu ka jaceyl yahay beenta iyo inaad tiraahdo Socail Media ha adiga haysta, noocaga oo kale dalka ma soo marin, waxaad tahay Ra'iisal Wasaarihii ugu fiicanaa ee dalka soo mara muddooyinkan dambe.

Mida kale waxaa uu jaceyl yahay inaad xaqiiqda ka leexisid oo beenta bilow iyo dhamaad ugu dhigtid hadiyad.

Hadaba ninka noocaas ah ayaa la doonaya in dalka hoggaamiyo kana saaro dhibaatada iyo rafaadka ragaadiyay 27 sano.

Sida muuqata beentii maanta waxay soo gaartay meel halis ah, waxaa madaxa iskula jira dowladdii dhexe iyo Maamul Goboleedyadii hadaba beentii ay iska dhaqmi jireen Kheyre iyo Maamul Goboleedyadii maanta runta ayaa lugaha lala soo galay.

Waxaa xaqiiq ah in Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u dhaqmayo sidii caruurta aabahooda beenta ku sira.

Waa nin waxaa uu sheegaya in xaqiiqda uu taagan yahay ay kala fog tahay,waa nin weyn oo hadana dhaqan caruur leh loona baahan yahay in cudurka caruurnimada haaya laga daaweeya.

Afarta Xildhibaan ee Ra'iisal Wasaaraha subaxdii la quraacata iyo afarta kale ee been ma sheegayaasha loo yaqaana ee habeenkii xilliga dambe ka soo taga Kheyre waxay ugu sacab tumayaan PM ka been iyo wax aan jirin.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo isna beentaas ayaa lagu seexiyaa dhaqankaas caruurnimadana waa lagula dhaqmaa


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...