[Topnews] Diyaarada Maandeeq oo Cabasho Xooggan laga muujiyay iyo waayelo haween ku dhex suuxay!

0
Friday May 18, 2018 - 05:57:08 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 2991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    [Topnews] Diyaarada Maandeeq oo Cabasho Xooggan laga muujiyay iyo waayelo haween ku dhex suuxay!

    Waagacusub.com - Diyaarad lagu Magacaabo Maandeeq Airline oo ka shaqeeysa Gobaladda dalka ayaa cabasho xooggan laga muujiyay iyadoo Shacabka raaca Dowladda Fedaraalka Somalia, ugu baaqeen in aay shaqo joojin ku sameeyso Diyaradaasi ruqadana kala laab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Diyaarad lagu Magacaabo Maandeeq Airline oo ka shaqeeysa Gobaladda dalka ayaa cabasho xooggan laga muujiyay iyadoo Shacabka raaca Dowladda Fedaraalka Somalia, ugu baaqeen in aay shaqo joojin ku sameeyso Diyaradaasi ruqadana kala laabato.

Shacabka Adeegsada Shirkada duulimaadka Maandeeq Airline ayaa sheegay in dhibaatooyin baddan ku qabaan diyaradaasi iyadoo Haween uurleh iyo dad waayeelo ah ku dhex suuxeen gudaha diyaaradda iyadoo duulimaad ku jirta maadama wax qaboojiya aysan laheyn diyaradaasi kuleel dartiisna ku cabursameen.

Sidoo kale gudaha garoonka Muqdisho ayaa lagu dhex arkay Hooyoyin iyo dad cuuryama ah oo ku dhex, ooynaya kadib markii tikid maalmo ka hor aay soo goosteen lagu yiri liiska kuma jirtiin iyadoo lagu badashay dad kale oo deg degsan oo lacago laalush dheerad ah baxsaday.

Hooyo Cibaado Xasan oo kamid ah dadka cabashada ka muujiyay diyaaradaasi Maandeeq Airlineayaa Warbaahinta usheegtay in afar Maalin ku soo noq noqotay Garoonka Diyaaraha Muqdisho iyadoo mar walba soo maraysay baaris baddan soona xaadirtay garoonka 7:00 subaxnimo rafaad baddan kadibna lagu wargeliyay 3:00 galabnimo oo aay diyaaaradda duuleysay in liiska laga waayay- laguna badashay sida aay sheegtay dad lacago laalush ah baxshay oo markaas yimid.

Shirkadda duulimaadka Maandeeq Airline oo aay ku qoran tahay Danta Dalka iyo Dadka ayaa ah wax laga xumaado in ficilada nuucaasa aay ku dhaqaaqaaqdo oo shacabka dhibaato xooggan kala kulmaan hal ku dhigaaasina ku qortaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad "Oomaar”Maareyaha GaroonkaAadan Cadde iyo maareeyaha hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Cabdi C/dulle ( Yuusuf Jaalle) ayaa loogu baaqay in aay ka warqabaan dhaq dhaqaaqa diyaaradaha duulimaadka sameeynaya iyo cabashada shacabka ka imaanaya.

Diyaarayadaan ayaa sidoo kale la xaqeejiyay in marar badan cilado kala duwan soo wajaheen iyadoo duulimaad toos ah ku jirto maadama aay tahay diyaarad gaboow ah oo aan loogu tallo galin in aay sii shaqeeyso balse lama ogo Masuuliyiintas aay quseeyso in cabashada shacabka ka jawaabi doonaan iyo in gaabsan doonaan.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...