Kenya Oo Shaacisay Wadahadal Ku Saabsan Muranka Badda Oo U Socdo Soomaaliya

0
Friday May 18, 2018 - 23:00:41 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Shaacisay Wadahadal Ku Saabsan Muranka Badda Oo U Socdo Soomaaliya

    Kenya Oo Shaacisay Wadahadal Ku Saabsan Muranka Badda Oo U Socdo Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya Oo Shaacisay Wadahadal Ku Saabsan Muranka Badda Oo U Socdo Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Monica Juma ayaa markii ugu horreysay waxa ay shaacisay in uu jiro wadahadal u socdo Soomaliya iyo Kenya kaas oo ku saabsan muranka dhinaca badda ah.

Muranka Badda ayaa waxaa Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ horay loo horgeeyey,waxana Monica Juma ay sheegtay in uu weli jiro dadaalo kale oo lagu doonayo in xal looga gaaro murankaas.

Waxaa weli wadahadal noo socdaa dowladda Soomaaliya,weli waan rajo ka qabnaa in murankaas xal buuxa laga gaaro,waxana jira heshiis isfaham ahaa in labada dal ay kala doortaan in maxkamad ay ku kala baxaan iyo in sihoose loo xaliyo alakin dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ay Maxkamada in lagu kala baxo ku adkeysatay ayey tiri Monica Juma.

Loading...

Iyada oo Wareysi siineysay Wargeyska New African Magazine ayay rajo wanaasgan ka muujisay xal u helida muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya taas oo soo ifbaxday xilligii ugu dambeysay ee waqtigii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sikastab weli dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kama hadlin murankaas,kaas oo weli horyaalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...