[Topnews] Carabey iyo Casir oo ka shaqeeynaya bur burinta Galmudug guryo waa weyna ka dhistay Muqdisho iyo Nairobi! Xogmuhiima?

0
Monday May 21, 2018 - 00:30:23 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 3092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Carabey iyo Casir oo ka shaqeeynaya bur burinta Galmudug guryo waa weyna ka dhistay Muqdisho iyo Nairobi! Xogmuhiima?

    Waagacusub.com -Guddoomiyiha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabey oo laalush ku soo qaatay duminta Maamulka Galmudug iyaga oo ka soo horjeestay heshiishkii aay wax ka saxiixeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com -Guddoomiyiha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabey oo laalush ku soo qaatay duminta Maamulka Galmudug iyaga oo ka soo horjeestay heshiishkii aay wax ka saxiixeen.

Ilo wareedyo muhiim ayaa xaqeejiyay in labadaasi Masuul lacag laalush ah oo aay ku qaateen duminta Galmudug in aay guryo waa weyn ku iibsadeen taaso ah qiyaano aay ka galeen Maamulka iyo shacabka Galmudug.

Gudoomiye Cali Gacal Casir ayaa guri weyn ka dhistay Xaafada Gubta gaar ahaan Ciise Cabdi ee Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir taaso oo u ka baxay qarash fara badan oo uu laalush ahaan u qaatay sida ilo wareedyo muhiima xaqeejiyeen.

Gudoomiye Cali Gacal Casir oo degan Hotel Hayaat Magaalada Muqdisho, ayaa wada qorshe halis ah oo ka dhan ah Maamulka uu Gudoomiyaha ka yahay taaso hadaan wax laga qaban u muuqata in bur bur u horseedi doono Maamulka Galmudug.

Dhanka Kale Maxamed Xaashi Carabey oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa laalushkii uu qaatay guri weyn kaga dhistay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, taaso ah wax laga xumaado in madaxdii Galmudug ugu sareeysay lacag yar oo laalush aay u qaateen bur- bur ugu horseedan Maamulkii aay madaxda ka ahaayeen.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Fedaraalka Somalia, ayaa laalushkaasi ku baxshay sidii loo baabin lahaay Heshiishkii Ahlusunna iyo Galmudug oo uu geed fadhiga u ahaay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Dhawaan waxaan idiin soo gudbin doona Sawirada Guryaha waa- weyn oo aay dhisteen labadaasi Masuul iyo Cadeeymo muujinaya qorshaha aay ku doonayaan in aay ku dumiyaan Galmudug.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...