[Topnews] Fadeexadii ugu darneed oo soo wajahday Dowlada Farmaajo -Akhri liiska

0
Tuesday May 22, 2018 - 07:44:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Fadeexadii ugu darneed oo soo wajahday Dowlada Farmaajo -Akhri liiska

    Waagacusub.com - Ceebtii ugu weyneed waxay ka dhacday markii Wasiirka Shaqada Soomaaliya Saalax Jaamac uu dad been abuur ah ku qoray shirka shaqaalaha aduun ee Geneva ka dhacaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Ceebtii ugu weyneed waxay ka dhacday markii Wasiirka Shaqada Soomaaliya Saalax Jaamac uu dad been abuur ah ku qoray shirka shaqaalaha aduun ee Geneva ka dhacaayo.

Saalax Jaamac waxaa uu wafdiga ku daray maamulka Puntland in ay shirka Geneva kala qeyb gasho, waxaana uu diiday in uu ku daro wafdiga wasiirada shaqada ee koofur galbeed, jubaland, hirshabele iyo galmudug, waa ihaano loogeystay maamul goboleedyada dalka in hal laga soo qaado uu ka saaro Meesha afar dowlad goboleed.

 

Intaas waxaa kasii daran in uu dhahay lix qofood ayaa matalaya shaqaalaha kuwaasoo Saalax Jaamac ku sheegay in ay yihiin dad isaga loosoo dhiibay.

 

Maxam’ed Cismaan Xaaji Cali waxaa usoo dhiibay Saalah Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka iyo wiilka aabahiis oo xildhibaan ah oo la dhaho Cismaan Xaaji. Waxaase Saalax Jaamac lagu siray oo uunan ogeyn in Maxamed Cismaan u tahriibay America oo usii gudbay Canada oo uu hada iska dhiibay.

 

Saalax Jaamac waxaa sii xigay in uu dhahay in Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la iga amray in aan qoro afar wiil oo Murusade ah si ay visooyin u helaan, bal arka dalka magaciisa iyo maqaamkiisa waxaa la siistay in qabiil is wato uu shir ka qeyb galo. Afarta wiil ee Murusade ee shirka tageyso waxay kala yihiin –

 

1-Axmed Xasan Cumar,

2-Saciid Cali Maxamed,

3-Yacqul Cali Macalin,

4-Cabdikadir Cawil Maxamud oo la dhashay gacan yaraha ra’isul wasaaraha C/shakuur Shahad.


Loading...

 

Musuq maasuqa heerka uu gaaray Saalax Jaamac waxaa uu ku sii daray in duqa magaalada muqdisho Cabdiraxman Yariisow ku amray in uu wado Maxamed Ibraahim Macalimuu oo uu haddii kale jagada wasiirnimo weyn doono.

 

Maalinta beri ah oo talaado ah ayay dadkan wada tahriibka ee qabiilka lagu wado tagayaan safaarada Switzerland ee Nairobi si ay viisooyin u dalbadaan.


 

Waxaan soo wadaa qoraal kale oo sheegaya musuq maasuqa baahay ee ka jira wasaaradan.  

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...