[Topnews:-] Beesha Dir ma isku qaadan kartaa Gudoomiyaha aqalka sare +Gudoomiyaha Maxkamadda sare +Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ?

1
Monday May 28, 2018 - 19:50:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5105
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Beesha Dir ma isku qaadan kartaa Gudoomiyaha aqalka sare +Gudoomiyaha Maxkamadda sare +Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ?

    Waagacusub.com - inkastooy sharci daro tahay magacaabista Gudoomiyaha Maxkamadda sare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - inkastooy sharci daro tahay magacaabista Gudoomiyaha Maxkamadda sare.

inkastuu yahay Sarkaal ka tirsan Argagixisadda Al-Shabaab.

Inkastooy ilmo habreed yihiin Ra’isulwasaare ku xigeenka

Inkastoo loo keenay inuu noqdo Maqaarsaar difaaca dannaha kooxda Farmaajo ,haddana magacaabistiisa waxeey si qaawan uga hor imaaneeysaa hanaanka awood qeybsiga beelaha ee 4.5.

Malaha Farmaajo ma ogga iney beesha Dir heeysato kuraasta ugu muhiimsan dowladda sida,

1-Gudoomiyaha aqalka sare

2-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka

3-Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka

4-Wasiirka Maaliyadda - 

5-Taliye ku xigeenka Nisa

6- Wasiirka haweenka iyo xaquuqul insaanka.

7- Wasiirka ganacsiga 

Sidee ku dhici kartaa in loogu daro Gudoomiyaha Maxkamadda sare ?

Sharciyan Gudoomiyaha aqalka sare waxaa xaq u leh beelaha kale sida beesha 5-aad oo Gudoomiye ku xigeen baarlamaan kaliya heeysata.

Beesha Hawiye maxeey dowladda dhan xil sare ka heeysaa ?

1- Ra’isulwasaare maqaarsaara.

2- Taliyaha Ciidanka xooga oo maqaarsaara

3- Wasiirka arrimaha gudaha oo maqaarsaara, awoodiisuna tahay qaadista Canshuurta Muqdisho.

4- Gudoomiye ku xigeenka aqalka sare oo ah xilka kaliya ee shaqeeya.

Beesha Raxanweyn maxeey xil heeysaa ?

1- Gudoomiyaha baarlamaanka

2- Wasiirka Gaashaandhigga

3- Wasiirka hoowlaha guud

4- Taliyaha NISA

Sidee beesha Dir intaas oo xil iskuugu qaadan karaa.

Qiyaasteeyda waxaa la raacay hanaankii hore oo Farmaajo ma ogga inuu dalka ka jiro Gudoomiyaha aqalka sare ?

Waxyaabaha yaabka badan waxaa weeye Gudoomiyaha aqalka sare, Gudoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Maaliyadda intuba ma tegi karaan degaanadooda, waxeeyna ku daaqayaan magac qabiil.

Galabta ayaan Live uga hadlayaa sharci daradda magacaabistiisa, hoowlahiisa argagixisadda iyo ku xadgudubka hanaanka awood qeybsiga 4.5.

By Dahir Alasow


Loading...
Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...