[Topnews] Kacdoon ka dhashay gabadh Ceejo lagu dilay Taliska Qabridahare oo Cabdi iley ruxay

0
Thursday May 31, 2018 - 07:09:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3289
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Kacdoon ka dhashay gabadh Ceejo lagu dilay Taliska Qabridahare oo Cabdi iley ruxay

    Waagacusub.com - Saldhig booliis oo ku yaala magaalada Qabridahar ayaa laga dhex helay gabadh mayd ah oo la sheegay in halkaas ay ku sugnayd wakhti aad u kooban, arrintaasina waxay dhacday 11 bishan May.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Saldhig booliis oo ku yaala magaalada Qabridahar ayaa laga dhex helay gabadh mayd ah oo la sheegay in halkaas ay ku sugnayd wakhti aad u kooban, arrintaasina waxay dhacday 11 bishan May.

Maxamed Xiis Kallane oo gabadha adeerkeed ah oo ku sugnaa magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa BBC-da u xaqiijiyay geerida gabadha, wuxuuna sheegay in gabadha ay qabteen booliiska, saacado markii ay hayeena ay reerka ku wargaliyeen in ay is dishay.

Taysiir Cumar MaxamedLahaanshaha sawirkaFACEBOOK

Maxamed Xiis waxa uu intaas ku daray in gabadha meydkeeda la geeyay isbitaalka ciidammada federaalka, kadibna lasoo xaqiijiyay in la dilay.

Gabadhan oo lagu magacaabo Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Salal wali ma aysan guursanin, waxayna u shaqaynaysay dowladda hoose ee magaalada Qabridahare, gaar ahaan xaafadda shanaad.

Lama oga sababta loo xirey markii horeba, iyo waxa sababay dhimashadeeda.

"Qoladan meesha joogta, kuwa wax maqlaya ma ahan, baaqna looma diri karo, dhibaatadan alle ha naga dulqaado, tii ugu horeysay ma ahan, tii ugu dambeysayna ma ahan, dilkana hala joojiyo, waa ceeb kusoo korortay Soomaalida" ayuu yiri Maxamed Xiis Kallane oo ku hadlay magaca qoyska gabadha ay ka baxday.

Balse masuuliyiinta Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in gabadhaasi ay is dishay.

Baraha bulshada ayaa aad loogu faafiyay qoraalo iyo haddalo looga soo horjeeda falka dhacay, waxaana arrintan ka dhashay dareen caro leh iyo mudaaharaad.

Demisew Betni oo hay'adda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya u qaabilsan warfaafinta ayaa sheegay in dhacdadan iyo kuwo kalaba la soo gaarsiiyay hay'adda ayna baaritaanno ku hayso.

aamulka dhaliishan oo Addis Ababa isku arruursanayOdayo dhaqameedyo iyo waxgarad u dhashay Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo saluugsan xukuumadda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tagay magaalada Addis Ababa si ay cabasho ugu gudbiyaan dawladda dhexe, sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah odayadaas.

Odayaas ayaa sheegay in ay cabashadooda gaarsiiyeen Hay'adda xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya, isla markaasna ay la kulmeen xeer ilaaliyaha guud ee faderaalka iyo masuuliyiin kale oo heer faderaal ah.

"Anagoon diyaarsanayn ayuu damcay in uu nala kulmo ra'iisulwasaaruhu, waxaana codsanay in aan soo diyaargarawno oo cabashadanada markaas u gudbino" ayuu yiri mid ka mid ah odayada.

Markii dhawaan la doortay ra'iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in shacabka la dhagaysan doono isla markaana uu la hadli doono dhammaan mucaaradka iyo dadka dhaliishan.

Arrintaas ayaa horseeday in ay magaalada Addis Ababa iska xaadiriyaan mucaraadkii Itoobiya oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta xisbiga Oromada ee Oromo Democratic Front oo dibadjoog ahaa.

Kooxihii fursaddaas ka faa'iidaystayna waxaa ka mid noqday dadkii ku kacsanaa xukuumadda Jigjiga.

Mucaaradkaas Soomaalida ah ee Addis Ababa ku sugan oo aan magac ku midaysnayn ayaa baraha bulshada ka dhaliila Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo xukuumaddiisa, waana arrin naadir ah.

Dad badan ayay layaab la noqotay in dad mucaradsan madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa iyaga oon bareerahooda qarsanaynin.

Dhacdooyinkaasi isbadel ma keeni doonaan?

Waxaa laga yabaa in haddii arrimahaasi ay sii xoogeystaan ay cadaadis ku keenaan madaxweynaha iyo maamulkiisa. Balse inuu dhaco isbadel siyaasadeed oo la taaban karo waxay u baahan tahay labo arrimood midkood:

Midda koobaad: Kala qaybsanaan soo kala dhex gasha Guddiga fulinta ee awoodda badan ee X.D.SH.S.I, kaas oo awood u leh in uu xasaanadda ka qaado madaxweynaha.

Midda labaad: Dawladda dhexe ee faderaalka ah oo si cad u sheegta in aysan ku qanacsanayn hoggaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya soona bandhigta cadaymo.

Labadaas arrimood midkoodna hadda ma muuqdaan, sidaas daraadeedna waxay u muuqataa in ay xilka sii hayn doonto xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo looga bartay in uu la jaan qaado isbadalladii sanadihii dambe ka dhacayay dalka Itoobiya.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...