[Topnews] Wakiilkii Xaquuqul insaanka ee Jigjiga oo si xun loo jirdilay - Tacadiyada Cabdi iley

0
Thursday May 31, 2018 - 07:17:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2368
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Wakiilkii Xaquuqul insaanka ee Jigjiga oo si xun loo jirdilay - Tacadiyada Cabdi iley

    Waagacusub.com - Waxaa magaalada Jigjiga lagu jir dilay masuulkii hay'adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya u qaabilsanaa Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Jamaal Maxamed Warfaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Waxaa magaalada Jigjiga lagu jir dilay masuulkii hay'adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya u qaabilsanaa Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Jamaal Maxamed Warfaa.

Dad badan ayaa baraha bulshada iskula wadaagay sawirka Jamaal oo u muuqda qof dhaawacyo ku yaalaan oo furaash dul jiifa.

Masuuliyiinta Dawladda Federaalka ah iyo kuwa Deegaanka midkoodna durba kama hadlin arrintaas.

Balse Demisew Benti oo warfaafinta u qaabilsan Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa BBC u xaqiijiyay in la jir dilay Jamaal wuxuuna intaas ku daray in la diray guddi xaqiiqo raadin ah.

Jamaal Maxamed Warfaa oo deeganka Soomaalida Itoobiya u qaabilsan Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ItoobiyaLahaanshaha sawirkaJAMAL MAXAMED/FACEBOOK
Image captionJamaal Maxamed Warfaa oo deeganka Soomaalida Itoobiya u qaabilsan Hay'adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya

"Waa run Jamaal oo ah masuulkii hay'adda u qaabilsanaa Deegaanka Soomaalida ayaa Jigjiga lagu jirdilay, yaa jirdilay, maxaa loo jirdilay, sidayse arrintaasi u dhacday waa arrin qayb ka ah baaritaanka aan wadno ayuu yiri".

Hay'adaha xuquuqda aadanaha u dooda ee caalamiga ah ayaa marar badan laamaha ammaanka ee dawlad deegaanka Soomaalida ku dhaliilay in ay tacadiyo gaystaan.

Balse arrinta la iswaydiinayo ayaa ah haddii Jigjiga lagu jirdili karo masuulkii loo idmaday ilaalinta xuquuqda aadanaha, waa sidee midda shacabka?


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...