[Topnews] Xildhibaan Caana oo ku Hanjabay hadaan Wadooyinka Muqdisho la furin in tallaabo la qaadi doono"

0
Tuesday June 12, 2018 - 07:46:42 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 3338
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Xildhibaan Caana oo ku Hanjabay hadaan Wadooyinka Muqdisho la furin in tallaabo la qaadi doono"

    Waagacusub.com -Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare oo kamid Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, oo si kulul ugu hadlay wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu jaray dhagxaan dadka shacabkaana, cabasho xoogan aay ka muuj

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com -Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare oo kamid Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, oo si kulul ugu hadlay wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu jaray dhagxaan dadka shacabkaana, cabasho xoogan aay ka muujinayeen maalmahii ugu danbeeyay.


Xildhibaanka ayaa yiri Shacabka Muqdisho Waxaa haysata dhibaato badan mid Amni, Canshuur iyaga u gaara waxaa loogu sii daray inay isu socon waayaan hadaan si degdeg ah aan wax looga qaban waxay tagaysaa inay iska hor wareejiyaan dhagxaanta lagu horgeeyey oo beenta ah.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Xildhibaan Cabdiweli Qanyare Wuxuu yiri Haddaan dadka shacabka ah ee degan Magaalada aan Ceejada lagu hayo aan laga qaadin, waxaan ka codsanayaa ineey si nabadgelya ah ay u soo banaan baxaan muujiyaana dhibaatada lagu haayo dhagxaantana ay iska qaadaan maadaama ay iyagu yihiin waxa dowladda loo yahay, canshuurtoodana ay bixiyaan askarta ( Ciidanka , dhamaan hay'adaha dowligga haddana ay u dulman yihiin si bani'aadan nimada ka baxsan.

Loading...


Xildhibaanka ayaa yiri mar uu Warbaahinta la hadlay Hadaan wax laga qaban cabashada shacabka meel kasta loo istaagay. Shacabka wuxuu muujinayaa si nabadgelyo ku jirto awoodooda Banaanbax nabadeed, iyo iney iska diidaan canshuurta aan waxba loogu qaban.

Shacabka Muqdisho ayaa maalmahii ugu danbeeyay ka cabanayay xirnaashiyaha wadooyinka iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhawaan amar ku baxshay in wadooyinka loo furo dadka shacabka waloow Amarkaasi noqon mid fulay oo weli sidii aay u xiran yahiin wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...