[Topnews:-] Guuxa weyn ee Reer Muqdisho iyo halista.

0
Wednesday July 11, 2018 - 16:57:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4131
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Guuxa weyn ee Reer Muqdisho iyo halista.

    Waagacusub.com - Waa qoraal ku saabsan Guuxa Dadka Muqdisho ee maalmahan, waxaana ku bilaabi doonaa Su'aalaha ay is weydiinayeen, jawaabna ay u heleen, kana foojiganyihiin dhamaan qeybaha Bulshada, ayey doonayaan iney la wadaagaan Dhamaan umada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Waa qoraal ku saabsan Guuxa Dadka Muqdisho ee maalmahan, waxaana ku bilaabi doonaa Su'aalaha ay is weydiinayeen, jawaabna ay u heleen, kana foojiganyihiin dhamaan qeybaha Bulshada, ayey doonayaan iney la wadaagaan Dhamaan umada Soomaaliyeed ee ku kala nool Dunida daafeheeda.

1. Yaa dani ugu jirtaa in la dudumiyo Xaafada Tarabuunka, Zoone K, Dhulalka saran Wadada Warshadaha, Jardiinooyinka wadada wadnaha, beerta Nabada SYL, Dabaqyada kasoo horjeeda naasa hablood1, Hotel Afric, Afasooni, Liido, Xaafada Cuuryaamiintii hore ee Xarunta Xisbiga. iyo Meelo kale??


Loading...

2. Yaa dani ugu jirtaa in la baa'biyo heshiisyadii iyo Sabarliogooyinkii Dawladihii hore, dibna loo naadiyo Dhulka marka la baneeyo kadib, sida Duqa Muqdisho qiil uga dhigay Duduminta??


3. Yaa dani ugu jirtaa weerarka Ganacsi ee ka bilowday Aadan Cade Airport, shirkadaha Diyaaradaha iyo Meheradaha ganacsi ee Gudaha Garoonka, kuna wajahan  Shirkadaha Korontada, Biyaha, isgaarsiinta, Bangiyada iyo Xawaalada??


4. Yaa kusoo Kordhay Magaalada Muqdisho oo ka danbeeya Baabi'inta Heshiisyda  iyo Weerarka cusub ee Dhaqaalaha iyo Dhukal Muqdisho??


5. Maxaa Eng. Yariisow ku kalifaya inuu diido Heshiisyadii  iyo Docoments-kii Dowladii uu Wasiirka ka ahaa, Dowladuse maxey uga aamusantahay??


6. Goofihii Kacaanku boobay iyo Booli Qaran Docoment-ga loo heysto xalaal miyaa?? inta ka danbeysana ??


7. Dhulkii Gobolada Dowladu ku laheyd, Xaruumihii Ciidamada, Xafiisyadii iyo Adeegyada guud. lana ogahay in shacab daganyihiin, Xisaabta ma kujiraa??


Akhriste, Su'aalahan la wadaag asaxaabta kale, Xalkana aan wada raadino si wadajira  insha Allah.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...