DEG DEG:-Al-Shabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku Bilaawday Ku Qaaday Xarun ciidamada...

0
Monday July 23, 2018 - 12:02:47 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-Al-Shabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku Bilaawday Ku Qaaday Xarun ciidamada...

    DEG DEG:-Al-Shabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku Bilaawday Ku Qaaday Xarun ...,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DEG DEG:-Al-Shabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku Bilaawday Ku Qaaday Xarun ...,

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay saakey waaberigii weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin  deegaanka Baar Sanguuni.

Weerarka qaraxyada ka dib ayaa waxaa halakasi ka bilaawday dagaal culus oo socday mudo ku badan Saacad kaas oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo dagaalamayasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Jubbaland oo goordhow la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in uu jiro khasaaro soo gaarey labada dhinac,isla markaana ay iska difaaceen Al-Shabaabkii weerarka kusoo qaaday.

Weli Warar madax banaan majiraan oo cadeynaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas,waxan welina la maqlayaa rasaas ka dhaceysa Baar Sanguuni.



Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...