[Xog:] Farmaajo & Khayre oo ugu Dambeen Duulimaadkii Xajka ku wareejiyay Shirkad Ajnabi ah

0
Friday July 27, 2018 - 23:58:10 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3979
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xog:] Farmaajo & Khayre oo ugu Dambeen Duulimaadkii Xajka ku wareejiyay Shirkad Ajnabi ah

    Xog: Farmaajo & Khayre oo ugu Dambeen Duulimaadkii Xajka ku wareejiyay Shirkada Ajnabi ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog: Farmaajo & Khayre oo ugu Dambeen Duulimaadkii Xajka ku wareejiyay Shirkada Ajnabi ah

Warar cusub oo soo baxay ayaa sheegaya in heshiiska ay dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in laga gaaray muranka xajka uu yahay mid aan jirin, islamarkaana xaaladda ay weli cakiran tahay, sida ay ogaatay Warbaahinta Waagacusub media 

Ilo-wareedo lagu kalsoon yahay ayaa Waagacusub u sheegay in weli dowladda Sacuudiga ay ku adkeysaneyso in kaliya shirkadaha Jubba iyo Daallo ay dadka Soomaalida usoo qaadaan xajka.

Waxaa jira shuruudo badan oo laga doonayo shirkadaha diyaaradaha ee xajka u qaada dadka, kuwaas oo aysan weli buuxin shirkadaha kala ah Ocean, Freedom waxana iska leh shaqsiyaad ku heeb ah Madax weyne Farmaajo . Wasaaradda xajka Sacuudiga ayaa ku adkeysaneysa inaysan hayn waqti ay baaritaan ugu sameyso shirkadahan, sidaas darteedna waxay dalbatay in sanadka xiga un ay usoo diyaar garoobaan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa habeen hore warqad u wada diray wasaaradda xajka Sacuudiga, ayagoo u sheegay inee si shaqisyan ah damaanad uga noqonayayasn shirkadahan. Warqaddaas ayaan weli laga soo jawaabin.

Dadka aqoonta u leh arrimahan ayaa la-yaab ku tilmaamay warqadda, ayaga oo sheegay in ra’iisul wasaaraha uusan fahamsaneyn nidaamka duulimaadyada, islamarkaana damaanad shaqsiyad aan lagu ogolaan karin duulimaadyada shirkado aan la baarin.

Waxa ay sidoo kale la-yaab ku tilmaameen sababta Kheyre iyo Farmaajo ugu kala eexanayo shirkado Soomaaliyeed oo uu ka dhaxeeyo loolan ganacsi.

Dowladda ayaa soo jeedisay shirkadaha ay diideen Sacuudiga ay dadka geeyaan Nairobi iyo Jabuuti, kadibna ay halkaas ka qaadaan shirkadaha diyaaradaha Jabuuti iyo Kenyan.

Tani ayaa macnaheedu yahay in dowladda door bideyso in macaashka duulimaadka xajka ay qaataan shirkado diyaaradeed oo shisheeye, halkii ay ka qaadan lahaayeen Jubba iyo Daallo, maadaama shirkadihii dowladdu wadatay la diiday.

Ayada oo la heli karo shirkado Soomaaliyeed oo dadka si toos ah u gayn kara Sacuudiga, maxaa qasabaya in shirkado ajnabi ah la siiyo qandaraaska?


Loading...


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...