Nabada Iyo Nolosha Kheyre Ma Qarax Iyo Qiyaano Qaran Baa? !!! ( Akhriso-Warbixin)

0
Monday August 06, 2018 - 22:16:37 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabada Iyo Nolosha Kheyre Ma Qarax Iyo Qiyaano Qaran Baa? !!! ( Akhriso-Warbixin)

    Nabada Iyo Nolosha Kheyre Ma Qarax Iyo Qiyaano Qaran Baa? !!! ( Akhriso-Warbixin)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabada Iyo Nolosha Kheyre Ma Qarax Iyo Qiyaano Qaran Baa? !!! ( Akhriso-Warbixin)

Siyaasada udub Dhexaadka looga dhigay Qabyaalada iyo Iskooxaysiga ee bulshada qaluubteeda, qasabka lagu la galinayo, qaab hadaleed looga dayday sidii ay khubadaha ujeedin jireen kaligii-taliyaal soo maray Dalalka Carabta iyo Yurub oo ay ka mid ahaayeen, Adolf Hitler  iyo Samaad Xussen, waana mida uu ku caan baxay Ra’iisulwasaare Kheyre oo xilkaan uu u Magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo ay Xidiid yihiin.


Loading...

 Warbixintaana waxaa ay qeexeysaa,Xukumad Xayn-daab ka sameysatay Xarumo yar oo isku muuqda oo aan xukumin meel Xamar ka baxsan iyo Xasan Cali Kheyre oo ula magac-baxay Xukumadda Nabad iyo Nolool,hadaba Muwaadin aan qiimeyno xaalada dalku uu  ku jiro, dibna aan u jaleecno hab dhaqanka Golaha fulinta,si aanan hiyiraac ugu noqon dano gaar ah oo naga marin habaabinaysa mustaqbalkeena,waa in aan ogaanaa, dadkeenu nabad ma heystaan? Nooloolse ma heystaan?

                          (NABAD)

Dhanka (nabad)-inta uu Xilka hayo, Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, Muqdisho iyo hareeraheeda waxaa ka dhacay in ka badan 70-qarax iyo weerarkii ugu qasaarha badnaa, Taariikhda dhow ee guud ahaan geeska Africa, waana hal ama labo inta Habeen ama Maalin aan dad lagu dilin Magaalada Muqdisho, haba ugu badnaadeen Askar, Shaqaale dowladdeed,dhalinyaro Bajaajley ah oo si bareer ah loo toogtay iyo qaarka mid ah Ergadii soo doortay Xildhibaanada,Kheyre u suurta-galiyey in uu Kursiga ku naaloodo, kuwaas oo mudnaan inay helaan Amniga iyo daryeel, madaama ay ka qeyb qaateen dhismaha Qaranka.


Taas badalkeeda la ma hubo  in aqbaarta geeridooda ay gaartay Ra’iisulwasaare kheyre oo ku Mashquulsan safaro dibada ah iyo Xilka qaadista Xubnaha Golahiisa Wasiiradda,kuwooda diiday inay u adeegaan danihiisa gaarka ah.


Mas’uuliyiinta uu shaqada ka cayriyey waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha, oo maalmo cadceeda u taagnaa difaaca Xuduuda dalka oo lagu soo duulay,asaga iyo wasiiradii la midka ahaana waxaa lagu badalay Muxaafidiin u hogaansan siyaasada kooxeysiga gurucan ee quud-dareynaysa kuraasta Doorashooyinka 2020-ka.


Ra’iisulwasaare Kheyre waxaa uu Xilal u magacaabay shaqsiyaad aan la heyn aqoon siyaasadeed iyo mid diblamaasiyadeed, oo danaha qaranka aan kala hadli karin wasiiradada dhigooda ah, marka ay tagaan wadamo shisheeye,balse marka ay Muqdisho ,dib ugu soo laabtaan Bulshada u sheega warar been abuur ah oo aysan ka hadlin madaxdii ay soo arkeen,taasi oo muujineysa in Xilka qaadistu ay tahay Xeelad lagu Marooqsanayo Xukunka,Sida uu qabo Xildhibaan Maxamed Cumar dalxa.


Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo, Waxaa ay dajiyeen Qorshe  logu Afganbinayo Golayaasha Dowladda  si loo Afduubto Doorashooyinka soo socda,waxaana ay sameysteen,Ciidan gaar ah oo lagu magac-daray, Guutada 14-ka Octoober oo aan ka tirsaneyn Afarta Ciidan ee qaranka,kuwaas oo aan Baarlamaanka la marsiin si loo waafajiyo sharciga dalka,Ciidankaasi oo loo qalabeyey sidii militarigii ayaa bartamihii Bishii july la wareejiyey Amniga Muqdisho, ayadoo Xukumada Kheyre kala dirtay Ciidankii Xasilinta,ka dib markii ay ku guuldareysatay ujeedkii  loo aas-aasay,Sarkaalkii hogaamin jirey ciidankaasna waxaa loo magacaabay taliyaha Booliska,tilaabadaasi oo gud-dheer ku tuureysa Kalsoonidii lagu qabay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.


Xukumadda Kheyre-na ,waxaa ay Wasaarada Maaliyada  ku amartay inay si joogto ah u bixiso Mushaarka, Guutada 14-ka Octoober oo aan meelna ugu qorneyn sharciga dalka,loogana Cabsi-qabo in loo adeegsado  beesiga Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada Mucaaradka si taladu ay gacantooda ugu sii jirto kooxeysiga kheyre iyo Farmaajo.

Xildhibaan hore Maxamed Cumar geedi ayaa sheegay in Askarta Guutada 14-Octoober,in  lagu soo xulay nin jaceylaysi iyo qaab ka baxsan sharuucda ciidanka,ayadoo aan laga la tashan,Wasaarada Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Xooga,taasi oo micnaheedu yahay ,in taliska kaligii Wadaniga ah ee baraha bulshada in uu ka weyn yahay Sharciga dalka.


Xukumadda Kheyre si ay u daboosho guuldarooyinka sugida Amniga Caasimada,waxaa ay adeegsatay Farsamooyin maaweelo oo ah Xilka qaadis isbada joog ah oo ay ku sameysay Taliyaasha Ciidamada, si ay iskaga sii jeediso indhaha bulshada ,sidoo kale waxaa ay ku fashilantay inay Mudqisho ka durjiso,Al-shabaab oo dhowr jeer la wareegay Degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo aan ka dheerayn Caasimada, iyo inay Xukunka gaarsiiso meel ka baxsan Muqdisho.


Ra’iisulwasaare Kheyre waxaa uu guuldaro weyn kala kulmay dhanka dib u heshiisiinta,hal sano iyo bar in ka badan oo xafiiska joogo, dib u heshiisiin ka ma sameyn hal tuulo oo ka tirsan, 18-ka Gobal ee dalka, marka laga reebo in  xukumaddiisa ay ka been abuuratay, Heshiiskii  Puntland iyo Galmudug oo dhameystirkiisa uu garwadeen ka ahaa Wakiilka Qaramada midoobey,mana jirto hal tuulo oo Al-shabaab laga saarey,sidaas daraadeed, dagaal beeleedyada iyo in aan calanka Jamhuuriyada laga taagi Karin qeynbo ka mid ah dalka,waa Astaanta Xukumadda Nabad iyo nolool.


Ra’iisulwasaare kheyre waxaa uu ku Fashilmay Siyaasada Arimaha Gudaha iyo Xiriirka Dowlad Gobaleeyada,waxaana xukumadda Kheyre ay sameysay ,Xasilooni daro siyaasadeed oo xilka looga Tuuray Madaxweynihii Hore ee Hirshabeelle, sidoo kalena waxaa ay isku dayday inay qasab xilka uga qaado Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Guulle (Xaaf), ayadoo la adeegsanayo Cali Gacal Casir oo ay isku heyb yihiin Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Maxamed Xaashi Cabdi Carabey, oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo,arintaas oo sababtay in Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada ay ku dhawaaqaan Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada,si ay iska difaacaan Siyaasada qabyaalada iyo Kooxeysiga lagu larey ee tigidada looga siibayo Maamulada dhisan.


Gaashaan buurta Maamul Gobaleedyaduna waxaa ay Fursad  muhiim ah siisay,dowladda Shisheeye ay heshiisyo  burburinaya, Midnimada Umadda iyo Qaranimada Soomaaliya inay la galaan  madaxda gobalada,waana Cawaaqibta laga dhaxlay ,faragalinta aan laga fiirsan, Xukumadda Kheyre. Hadaba Nabad iyo Nolol ma xafladaha oo laga hanjabaa?mase waa in Hubka iyo Ciidanka Qaranka lagula dagaalamo Siyaasiyiinta?           

 

 

             (Dhanka Noolosha)

Maxaabiis Daryeel la’aan Xabsiga loogu dilay,bukaan xaalada dag dag ah ku jira, oo jidadkii goob caafimaad loo marsiin lahaa dhagxaan iyo ciidan logu gooyo iyo danyar shan gaari u raacda meel isku muuqata oo awoodi  weyda  inay helaan adeegyada ay Magaalada uga baahan yihiin,waa biladaha dahabiga ee ay qoorta suratay,Xukumadda Xasan Cali kheyre

Ra’iisulwasaare ku celceliya dagaal ka dhan ah Musuq-maasuqa,oo  Wasiir xukumaddiisa ka tirsan ay isku casisho muqsuq-maasuq lagu sameeyey gurmad loogu talogalay dad masiibo ay ku habsatay,waa ilbaxnimada Cusub ee ay la timid Xukumada Ra’iisulwasaare Kheyre oo sidoo kale Musuq-maasuq dartiis lumeysay Taageeradii Maraykanku uu siin jirey Ciidanka Xooga Dalka.


Dhanka Musuqa Maaliyada, Sadexdii bilood ee ugu horeysay sanadkaan 2018,Gobalka Banaadir waxaa Canshuur ahaan looga qaadayb Lacag gaaraysa  42.5 Million oo dollar, taasi oo dhigan, in 8-bilood ka dib Gobalka banaadir laga qaaday canshuur gaaraysa, 99.2 milion oo Doollar.


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...