[Topnews:-] Madaxda Somalia oo diiday fulinta ballanqaadkii qiimaha badnaa ee Madaxweynaha Turkiga

0
Saturday May 13, 2017 - 11:42:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4982
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 2 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Madaxda Somalia oo diiday fulinta ballanqaadkii qiimaha badnaa ee Madaxweynaha Turkiga

    Madaxweynaha Dalka #Turkey Recep Tayyip Erdogan xili uu booqasho ku yimid Muqdisho wuxuu balan qaaday 26/01/2015 inuu Caasimadda Soomaaliya Muqdiso ka hergelinayo muddo 2 sano gudahood ah mashruuc lagu dhisayo 10,000 kun Guri (Toban kun oo Guri) gury

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka #Turkey Recep Tayyip Erdogan xili uu booqasho ku yimid Muqdisho wuxuu balan qaaday 26/01/2015 inuu Caasimadda Soomaaliya Muqdiso ka hergelinayo muddo 2 sano gudahood ah mashruuc lagu dhisayo 10,000 kun Guri (Toban kun oo Guri) guryahaa oo la siinayo dadka tabarta daran ee ku nool magaalada Muqdisho , Mashruucaa xageebuu ku danbeeyey? Dhanka dawladda Somalia miyuu gaabiska ka yimid mise dhanka dawladda Turkey? Dawladda Somalia xaqiijinta mashruucaan haka shaqeyso.

Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo taageerada dhabta ah iyo wax wada qabsiga ay dawladda Turkey iyo Madaxweynaheeda Recep Tayyip Erdogan la doonayaan Somalia ma uga faaiideyn doonaa Soomaaliya mise wuxuu ku mashquuli doonaa marin habaabinta qawda maqashii waxna ha u qaban madaxdii hore sumcadda looga dilay waqtigana looga lumiyey??? Waqtiga ayaa wax na bari doona!

Madaxweyne Erdogan wuxuu kale oo balan qaaday inuu safaaradda ugu weyn ee Turkey dal dibadda ah ku leeyahay inuu ka dhisayo Muqdisho, balan qaadkaa oo hirgalay.

Sidoo kale Turkey wuxuu sheegay inuu saldhig milateri oo weyn Somalia ka hergilanayo , saldhigaa oo ciidamada Somalia uu ku tababarayo.

Shirkii Soomaalida ee shalay London lagu qabtay waxaa Madaxa Qaramada Midoobay soo jeediyey hal tababar in ciidamada Somalia la siiyo, miyuu jiraa dal kaga baboon Turkeyga inuu Somalia ciidamada u tababaro? Dawladda Somalia haddii ay ka faaiideysan weyso fursada ciidamada Turkeyga ugu tababarayo Somalia dhibkii Soomaali ku dhacaa masuuliyadda ayada baa qaado doonta.

Sawiradda ciidamada Soomaalida noocyadooda kala duwan (cirka, badda, lugta) ee dawladda Turkey ku tababareyso dalkooda.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...