Kenya oo baareysa sida uu Baasaboorkeeda ku helay Agaasime kuxigeenka NISA

0
Tuesday August 21, 2018 - 00:01:01 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo baareysa sida uu Baasaboorkeeda ku helay Agaasime kuxigeenka NISA

    Kenya oo baareysa sida uu Baasaboorkeeda ku helay Agaasime kuxigeenka NISA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya oo baareysa sida uu Baasaboorkeeda ku helay Agaasime kuxigeenka NISA Waagacusub.com Dowladda Kenya ayaa baareysa sida uu ku helay baasaboorkeeda dalkeeda Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, isagoo u isticmaala safarada dibadda ah.

Loading...

Sida ay qortay Wargeyska Daily NationFahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay Taliye kuxigeenka Nabadsugida ayaa la ogaaday inuu heysto baasaboorka Kenya iyo kaarka aqoonsiga ee muwaadnimada.

Fahad Yaasiin ayaa heysta baasaboor Kenyan ah oo nambarkiisa yahay C024542 iyo sidoo kale kaarka aqoonsi muwaadinimada oo nambarkiisa 28847167, taasoo ah mid raad raac u ah baaritaanka Hey’adaha

Sida muuqata Fahad Yaasiin ayaa kaarka aqoonsiga ku qaatay inuu ku dhashay magaalada Mandhera 19 July sanadkii 1978, hase ahaatee aqoonsiga ayaa muujinaya in la soo saaray 13 July sanadkii 2017.

Laakiin caddeymaha Kaarka Aqoonsiga ID ayaa muujinaya inuu dhashay 5 April sanadkii 1978, sharcigana uu ka qaatay bariga Mandhera sanadkii 2001.

Xoghayaha Socdaalka, Xuduudaha, iyo diiwaangelinta dadka ee dalka Kenya Maj. Gen RTD Gordon Kihalang ayaa isniintii maanta xaqiijiyay inuu socdo baaritaanka, balse waxaa uu diiday inuu bixiyo macluumaad dheeraad ah.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshada hareeyay nuqul ka mid ah Baasaboorka Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin oo isugu jira mid Kenyan iyo Soomaali oo ku yaalla Viisooyin kala duwan.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...