GAAS oo banaanka soo dhigay Sir ka careysiisay maamulka Somaliland

0
Wednesday August 22, 2018 - 10:55:37 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GAAS oo banaanka soo dhigay Sir ka careysiisay maamulka Somaliland

    GAAS oo banaanka soo dhigay Sir ka careysiisay maamulka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GAAS oo banaanka soo dhigay Sir ka careysiisay maamulka Somaliland Waagacusub.com Hogaamiyah Maamulka Puntland Cabdi weli Gaas ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay dhaqaale xoogan ku bixiso dagaalka ay qaado Al-Shabaab.

Loading...

Cabdi weli Gaas, waxa uu sheegay in Somaliland ay garab u tahay Al-Shabaab iyo Daacish, isagoo tilmaamay inay jiraan cadeymo badan oo muujinaaya taageerada.

Cabdi weli Gaas, waxa uu sheegay in cadowga qalqalka amni ku haya Puntland ay ka kooban yihiin Seddex qeyb, waxa uuna qeybta koowad iyo labaad ku kala sheegay Al-Shabaab iyo Daacish, halka qeybta seddexaad uu ku sheegay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab,Daacish ay taageero ka helayaan cadawga deriskooda ah,oo uu ku sheegay Somaliland sida uu hadalka u dhigay Cabdi weli Gaas.

"Somaliland waan la socnaa in si hagar la’aan ah ay u taageerto Al-Shabaab iyo Daacish, marka uu arrinku sidaa yahay Puntland waxaa ku waajibtay inay is difaacdo”

"Puntland waxa ay cadeyn buuxda u heysaa qaabka ay Somaliland u taageerto Al-Shabaab iyo Daacish waxaanu xaqiijineynaa in dhaqaale xoogan ay ku bixiyaan silo qalqal galiyo amniga Somalia inteeda kale”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland iyo Shacabkeeda ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan cidkasta oo ku soo duusahay, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somaliland ay caqabad ku tahay xasiloonida deegaanada Puntland.

Haddalka Cabdi weli Gaas, ayaa imaanaya xili Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi uu isna ku dhawaaqay in maamulkiisa iyo shacabkuba ay iska difaacayaan Puntland.



Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...