Xog Yaa Lala Eegtay Duqeymo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

0
Thursday August 23, 2018 - 11:22:52 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Yaa Lala Eegtay Duqeymo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

    Xog Rasmi ah Yaa Lala Eegtay Duqeymo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog Rasmi ah Yaa Lala Eegtay Duqeymo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

Waagacusub.com Hogaanka ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano (Africom) ayaa bayaan kasoo saaray weerar duqeymo khasaare dhaliyay oo ciidamada mareykanka ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.


Loading...

 Bayaanka kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in xubno katirsanaa Xoogaga Alqaacidda ee Soomaaliya lagu dilay Weerar dhanka cirka ah oo laga fuliyay meel qayaas ahaan 46-KM dhanka Waqooyi Bari kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.


Warka uu soo saaray Taliska ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay labo katirsanaa dagaalyahanada garabka Alqaacidda Soomaaliya Al shabaab.

Xoogaga Al shabaab wali kama hadlin duqeymahaasi Mareykanka uu guulaha ka sheegtay.


Dowladda Mareykanka ayaa ciidamo badan oo ka socda waxa ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya, kuwaa oo dagaalo toos iyo kuwa duqeymaha ah la bartilmaameedsado goobaha iyo saldhigyada ciidamada Xarakada Al shabaab, inkastoo duqeymo dhowr ahaa oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka lagu dilay shacab beeraley aan waxba galabsan, balse duqeymaha loogu geeyay goobahooda.




Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...